”Muqdisho ma guryo & geedo ayaa ku yaalla?!!” – Sida ay Afrika uga fal-celisey sawirka Muqdisho

0

(Hadalsame) 17 Agoosto 2021 – Bogga Zoom Afrika oo aalaaba ka hadla soona bandhiga meelaha il qabadka leh ee qaaradda Afrika ayaa soo qaatay sawir muujinaya magaalada Muqdisho.

Wuxuu sawirka raaciyey kabshan u akhrismaya ”halkani waa caasimadda Somalia ee Muqdisho”.

Waxaa deeto ka fal-celiyey dad badan oo Afrikaan ah oo siyaabo kala duwan uga hadlaya caasimadda Somalia, tiiyoo ay qaarkood u qaadan la’yihiin inay Somalia kuba taallo magaalo sidaa u eg.

Halka ay qaar kale ay si kajan ah usoo qoreen faallooyin ay ku dhaliilayaan saxaafadda reer Galbeedka ee sawirka xun u yeesha Somalia iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

”Horta meesha ma geedo iyo guryo ayaa ku yaalla? Maxay noo sheegeen BBC iyo DW?” ayuu midkood ku kaftamay.

Hadalsame Media