5 qodob oo koobaya nuxurka siyaasadda cusub ee Daalibaan ku socon doonto

0

(Kabul) 17 Agoosto 2021 – Taalibaan ayaa maanta Kabul ku qabatay shirkeedii jaraa’id ee ugu horreeyey tan iyo markii ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada, waxayna ku dhowaaqeen inay doonayaan xiriir nabadeed oo ay la yeesheen dalalka kale ee caalamka.

Haddaba waxaa jira 5 qodob oo koobaya nuxurka shirkii jaraa’id ee Talibaan caawa ku qabatay Kaabbuul.

1. Waxaan diyaar u nahay in aan xiriir ku dhisan nabad aan la yeelaanno dalalka Caalamka, marnaba dooni mayno cadow dibadeed iyo mid gudaha ahba.

2. Haweenku waa ay shaqeynayaan, waxbaranayaan, bulshadana doorkooda ayeey ku leeyihiin ama waa ay ka dhex muuqan doonaan si waa faqsan Shareecada Islaamka.

3. Cidna Afqaanistaan uma adeegsan karto in ay uga duusho ama ka weerarto dalal kale, bulsha waynta Caalamka oo Maraykan u horreeyo waxaan u caddeynaynaa in aan cidina u socon oo duullaan ku ahayn, deriska iyo dalalka Gobolkuna ha ogaadan intaasi naga go’an tahay oo aysan dhici doonin.

4. Taalibaan kama aargoosan doonto askartii Dowladda, Masuuliyiintoodii, Qandaraaslaydii iyo xubinihii kale ee tarjumaannadu ka midka ahaayeen Reergalbeedkana la shaqaynayey, cidina idiinma soo socoto oo guryahana la iidima soo garaaci doono.

5. Warbaahinta madaxabannaan ama gaarka loo leeyahay waa xor, balse Weriyaasha waxaan ku adkeyneynaa in aysan ka shaqeyn wax ka dhan ah sharafka Qarankooda ( Imaarada Islaamiga ah Afqaanistaan).

Zibihullah Mujahid, Afhayeenka Kooxda Taalibaan.

Waxaa soo Koobay: Ismaaciil Fanax

Hadalsame Media