SAADAAL: Isbedbeddelka uu mari karo xukunka kooxda Daalibaan ee haatan la wada wareegey Afghanstan

0
A few members of the Taliban delegation head to attend the opening session of the peace talks between the Afghan government and the Taliban in Doha, Qatar, Saturday, Sept. 12, 2020. (AP Photo/Hussein Sayed)

(Hadalsame) 16 Agoosto 2021 – ARAGTIDEYDA IYO AAYAHA AFGANISTAN.

Taalibaan-ka saacadaha soo socda la wareegi doona guud ahaa talada dalka Afganistan, waxaan filayaa in iyaga iyo Alqacidda kala bixi doonaan oo labada midda dambe iyo waxoogaa xagjirka tan hore ka mid ah ay bannaanka istaagi doonaan.

Waxaa imaan doonta in Taalibaan ka hadda isku dhex jira kala miirmaan oo u kala qeybsamaan laba kooxood oo magaca mujaahidiinta wada sita. Qofka Soomaaliya joogana uu si fudud ku xasuusan doono midowgii Maxaakiimta ee u kala baxay qolo lala macaamili karo iyo kuwo mayal-adag oo Shabaab noqday.

Kooxda qunyar-socodka ee oggol inay Dunida kale la macaamilaan ayaa xukunka qaban doonta balse, marka in muddo ah la qariyo khilaafka labada garab ayaa la is fara-saari doonaa oo kuwa afkaartoodu aadka u adagtahay ay Buuraha iyo Baaddiyaha ku laaban doonaan.
Reer Galbeedka Mareykanku hor boodo ayaa si taxaddar leh ula socon doona hab-dhaqanka ay la yimaadaan Taalibaan ka cusub ee tii hore ka yara mowqifka dabacsan iyaga oo ku qiimeyn doona waxa ay Taalibaan la shir timaado.
Waxaan qiyaasayaa in goor horeba uu Mareykanku wax uu ogyahay la meel-dhigtay kooxda uu xukunka dalkaas sida muuqata ku wareejiyey.

Kaddib marka dowladda yar ee Qatar la xiriirkooda loo maro ayna dabacsanaan muujiyaan, waxaa laga yabaa in Reer-galbeed ku aqoonsi buuxa siiyaan dowladda Afganistan ee ay Taalibaan hoggaamiso.

Meelaha ay tahay inay kasoo dagaanna waxaa ugu horreeya xuquuqda dumarka dalkaas oo Taalibaantii hore ka mamnuucday waxbarashada iyo xayiraado kale oo la saaray iyada oo loo cuskaday fasir Diineed xambaarsan aragti xag-jir ah.

Waxaa Qoray: Qaasim Cabdulle Xuseen

Hadalsame Media