DHEGEYSO: Sweden oo wax ka bedeshey qoondadii qaxootiga Afghanstan + Go’aamo kale

0
KABUL, 03 February 2019 - A view of Kabul, the centre of Afghanistan’s social and political life.Photo Fardin Waezi / UNAMA.

(Stockholm) 16 Agoosto 2021 – Safaaradda Sweden ee Kabul ayaa laga soo daad guraynayaa dadka ku sugan kaddib markii ay is bedeshey xaaladda Afghanistan, sida ay sheegtay WAD Ann Linde (S) shalay galabna waxaa howlwadeenka oo idil lasoo wada qaadayaa ugu dambayn maanta, sida uu baahiyey hilinka SVT.

Waxaa kale oo ay dowladdu si KMG ah u rafacdey qorshe hore oo ahaa in qaxootiga dalkaa la geeyo dal 3-aad oo laga soo qaado, si haatan loo dedejiyo soo qaadista shaqaalaha maxalliga ah ee Afghani-ga ah iyo qoysaskooda.

Wasiirradda Gaashaandhigga Peter Hultqvist (S) iyo Wasiirka Cadaaladda Morgan Johansson (S) oo shirka jaraa’id ka qayb galay ayaa iyaguna sheegay in la tuuray qoondadii qaxootiga dalkaasi, si loosoo badbaadiyo shaqaalihii Sweden la shaqaynayey iyo qoysaskooda.

Hadalsame Media