DAAWO: Ciidamada Maraykanka oo dib ula wareegey Garoonka Dayuuradaha Kabul & is buurasho halkaa ka dhacday

0

(Kabul) 16 Agoosto 2021 – Ciidamada Maraykanka ayaa la wareegey Garoonka Dayuuradaha Caalamiga ah ee Kabul, jeer ay dad badan oo rayid ihi aad ugu bukaan inay mar ka baxsadaan magaalada oo ay qabtay kooxda Daalibaan.

Ciidamada Maraykanka ayaa garoonka dhan oo uu ku jiro tiirka laga xukumo dayuuradaha gacanta ku dhigay si ay halkaa uga daad gureeyaan dadka Maraykanka ah iyo kuwa u dhashay dalalka la ologga ah, jeer ay foowdo tahay xaaladda garoonku.

Dalal kale ayaa iyaguna halkaa u diray dayuurado soo qaada howlwadeennadooda, waxaana ka mid ah dalka UK, oo isna halkaa u diray ciidamo hor leh.

Yeelkeede, waxaa weli xanniban duullimaadyadii rayidka ahaa, taasoo keentay inay halkaa ku baygagaan boqollaal qof oo iskugu jira dad Afghani ah iyo kuwo u dhashay dalal kale.

Waxaa lasoo sheegayaa inay halkaa laga soo sheegayaa inay dad rayid ihi garoonka isku buurteen iyadoo ay waxyeello jirto, warar kale ayaa xitaa sheegaya inay ciidanka Maraykanku rasaas fureen. Ugu yaraan 5 qofood ayaa la sheegayaa inay halkaa ku dhinteen.

Daalibaan ayaa shalay gacanta ku dhigtay caasimadda dalkaasi kaddib markii uu halkaa ka cararay MW Ashraf Ghani, taasoo ka dhigan inay halkaa qabdadeen kaddib ku dhowaad 20 sanadood oo ay halkaa xukumayeen isbahaysi uu Maraykanku horkacayo.

Hadalsame Media