Ninka sawirka ka muuqda waa Maamule iskuul, QISO yaab leh ayaase ka dambaysa sababta uu QORIGA u qaatay!!

0

(Hadalsame) 15 Agoosto 2021 – Sawirka qofka ka muuqda waa ustaad Maxamed As-saciidi oo ah Maamule mid kamid ah dugsiyada Yemen.

Maalin ayaa waxaa u soo dhacday fariin u qorneyd sidan مت شهيدا يامدير oo macnaheedu yahay shahiid-nimo ku dhimo maamule!

Maamuluhu isagoo ka sheekeynaya dhacdada ayuu yiri: fariintan markay ii soo dhacday kadib hal isbuuc ayaan guriga ku jiray anagoo banaanka ka baqaya, fuundi ayaan wacay si uu albaab bir ah guriga iigu sameeyo.

Albaabka si walboo loo soo garaaco ma furi jirin, marka aan u baahdo inaan banaanka u soo baxo waxaan iska dhigi jiray oday waayeel ah anigoo ka baqaya in kuwa farriinta ii soo diray ay i dilaan.

maalin anigoo sidii u dhuumanaya ayaan suuqa u soo baxay, waxaa i gartay oo igu soo leexday arday ka mid ah ardayda dugsiga, wuxuu igu yiri: Halkee ka baxday maamule, maxaa dhacay maxaad uga soo jawaabi weyday fariinteyda?

Waxaan ugu jawaabay: fariintee ka hadleysaa?

Wuxuu yiri: fariintii aan kuu soo diray ee aan ku lahaaمتى الشهادات يا مدير oo macnaheedu yahay goormee shahaadada na siineysaa maamule.

Qoraalka oo qaldamay ayaa maamulaha waxaas oo dhibaato ah marsiisay. Laga soo bilaabo maalinkaa maamulihii wuxuu bilaabay inuu qori Ak 47 soo qaato uuna xaadiro xisooyinka luuqadda carabiga si uu u cabsi geliyo ardeyda si aanay mar dambe qoraalka carabiga ah u qaldin.

Waxaa Diyaariyey: Mustafe Cawil Xasan

Hadalsame Media