Arrin nasiib darro ah oo shalay ka dhacday magaalada Muqdisho & baraarug loo baahan yahay

0

(Muqdisho) 15 Agoosto 2021 – Waxay dad badani aad u dhaliileen arrin shalay ka dhacday xaafadda Gubta Ciise Cabdi oo haatan ka tirsan Degmada Dayniile.

Waxaa la sheegay in dhallinyaro mooto wadataa ay bilaabeen inay dadka ka dhacaan telefoonnada gacanta, balse waxaa markii dambe helay ciidamada amaanka halkaa ku sugan kuwaasoo 2 ka mid ah toogasho ku diley.

Yeelkeede, maydka ayaa muddo dheer jidka yaalley iyadoo ay halkaa ku marayeen dadkii xaafadda oo ay dabcan carruuri ka buuxdo iyagoo daawanaya dadkaa la diley ee misna jidka la waray.

Marka laga soo tago inay ku habboon tahay saxna tahay in tuugada iyo ciddii dembi gasha la ciqaabo, haddana waa in la helo nidaam caadil ah oo qof kasta dembigiisa inta uu la egyahay ka bila, ha yeeshee, waxaa khalad ah oo saamayn maskaxeed iyo mid niyadeed dadka guud ahaan gaar ahaan da’yarta u gaysanaya inay maalin walba arkaan dad la dilay oo misna jidka la dhigayo.

Qiyaas cunug yar oo dugsi Qur’aan ama iskuul ka yimid amaba aan weli gaarin ee u banbaxaya cunfiga noocaas ah, qaab noocee ah ayuu u barbaarayaa?

Taasi waxay abuuraysaa bulsho bahaloowdey oo bilaa naxariis ah, sidoo kale waxay dilaysaa qiyamka iyo qiimaha qofka, iyadoo sidoo kale fogaynaysa inay dadku qiimeeyaan nabadda iyo micnaha xasillooniyada.

Dhaqamada noocan ihi waa inaysan ka dhicin meel la sheegayo inay dowladi ka jirto, waloow ay nasiib darro tahay in ciidamada DF ay marar badan iyagu ugu horreeyaan gaysiga tacaddiga iyo ku tumashada xeerka iyo xasilloonida.

Ogoow, dhacdooyinka noocan ihi waa ku qaabeeya bulshada silloon ee aan samaantaba xiisaha badan u qabin ee aannu maanta ku suntan nahay.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media