Kooxda Daalibaan oo si lama filaan ah uga hadashay wararka sheegaya inay galeen magaalada Kabul (Maxay dalkaa ka damacansan yihiin?)

0

(Kabul) 15 Agoosto 2021 – Warar goor dhow soo baxay ayaa sheegay in ay Daalibaanku bilaabeen inay galaan caasimadda Afghanstan ee Kabul oo afaafkeeda laga maqlayo rasaas goos goos ah, balse waxaa warkaasi beeniyey afhayeenka Daalibaan, Suhail Shaheen, kaas oo ku sugan Dooxa, Qadar.

Warkan ayaa soo baxay kaddib markii ay kooxdani qabsadeen inta badan magaalooyinka dalkaasi oo ay ugu dambaysey magaalada muhimka ah ee dhacda bariga ee Jalalabad, iyagoo sidaa ku helay jidad muhim ah oo ku xirma Pakistan.

Yeelkeede, Afhayeenka Daalibaan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warkan iyagoo sheegay inaysan marna weli qorshaha uga mid ahayn inay weerar dagaal ku qabsadaan caasimadda Kabul, isagoo sheegay inay leeyihiin qorshe ballaaran oo cafis ah isla markaana ay doonayaan in laga wada xaajoodo waxyaabo ay ka mid yihiin dowladda loo dhisayo dalkaasi, balse waxaa la xaqiijiyey inay laayeen ciidamo isu dhiibey.

”Waxaan haatan haysannaa in ka badan 90% waxaana hadda joognaa bannaanka magaalada balse ma doonayno inaan dagaal ku galno oo aan dhibaato u gaysanno nafta iyo maalka dadwaynaha,” ayuu yiri Afhayeenka Daalibaan oo tilmaamay in iyaga lasoo weeraro mooyee aysan iyagu dagaal ku gelaynin magaalada oo uu doonayo inay si ”nabdoon isu dhiibto.”

Wuxuu intaa ku daray inay dhisayaan Imaarad Islaami ah taasoo uu sheegay inay haweenka u ogoshahay inay shaqaystaan oo wax bartaan, waloow meelaha ay qabsadeen laga soo sheegayo warar kale, balse wuxuu tilmaamay inay ciqaabi doonaan ciddii xuquuqahaa diidda.

Wuxuu Afhayeenku sidoo kale beeniyey inay gabdhaha khasab ugu guurin doonaan ciidamadooda. ”Sidee u samaynaynaa in aan gabar ku darno nin uusan aabbeheed uga raalli ahayn, taasoo ka dhan ah Shareecada Islaamka.” ayuu is waydiiyey Afhayeen Suhail Shaheen.

Dhanka kale waxaa qaac kasoo baxayaa Safaaradda Maraykanka ee Kabul, kaasoo ay Al Jazeera ku tilmaantay inay gubayaan dokumentiyo muhim ah oo halkaa yaalla kahor inta aysan meesha ka bixin.

Waxaa caadiyan deggan jawiga guud ee caasimadda oo ay haatan hawadeeda heehaabayaan dayuuradaha ciidanka oo daad guraynaya dadkooda iyadoo ay Maraykanka iyo UK soo direen ciidamo hor leh oo arrintaa darteed u yimid.

Hadalsame Media