Daalibaanku ma doonayaan Cilmaaniga & xitaa SALAFIYIINTA waxayna taageersan yihiin hal MAD’HAB (Akhri bayaanka aragtidooda)

0
A few members of the Taliban delegation head to attend the opening session of the peace talks between the Afghan government and the Taliban in Doha, Qatar, Saturday, Sept. 12, 2020. (AP Photo/Hussein Sayed)

(Hadalsame) 15 Agoosto 2021 – Daalibaan waxay col la yihiin Cilmaaniyiinta iyo Salafiyiinta. Halkan waa bayaan la sheegay in Daalibaan soo saartay oo ay ku amrayaan in Salafiyiintu joojiyaan dhammaan hawlahooda waddankuna ku dhaqmo mad’habka Xanafiga.

Haddaba, waa qodobbo bayaankooda siyaasadeed ku qoran soo koobaya Ustaad Cabdulqaadir Diiriye, waxaana qodobbada ugu muhiimsan ka mid ah:

1 – Looma oggola in Salafiyiintu dadka ugu yeeraan inay ka tagaan madhabaha ama noqdaan Salafiyiin. Artintaas kama sheegi karaan masaajidda, cisbitaallada, iskuullada, jaamacadaha iyo meelaha la isugu yimaado.

2 – Maadaama Salafiyiintu dacwadooda ku qariyaan Qur’aanka iyo Xadiiska, looma ogola inay dhigaan Labadaas maaddo ama ay masaajidda ka khudbeeyaan ama ka tujiyaan. Salafiyiintu ma qabsan karaan xaflado noocay doonaanba.

3 – Shacabka Afgaanistaan waa Xanafiyiin marka si khilaafka loo yareeyo mad’hab aan Xanafi ahayn lama oggola.

4 – Ma bannaana in qubuurta si aan sharci ahayn loo wayneeyo ama diyaarooyin lacag laga sameeyo ama dumar loo fasaxo qubuurta. Arrimahaas waxaa dhici karta in Salafiyiintu ku soo marmarsiiyoodaan oo dacwadooda ku kiciyaan.

Hadalsame Media