”Waxaa awoodda loo wareejinayaa si nabdoon!” – Daalibaan oo haatan fadhiya Madaxtooyada Kabul

0

(Kabul) 15 Agoosto 2021 – Kooxda Daalibaan ayaa haatan ku hareereeysan caasimadda Afghanistan ee Daalibaan, kaddib markii ay beeniyeen inay magaalada gudaha u galeen, balse waxaa haatan bilowday wada hadal toos ah oo ay kula jiraan Dowladda si “magaalada si nabdoon loogu wareejiyo”.

Waxaa ay saxaafaddu sheegaysaa in wakiillo ka socda kooxda Daalibaan ay haatan ku sugan yihiin Madaxtooyada dalkaasi iyagoo la xaajoonaya Dowladda MW Ashraf Ghani.

Ku simaa Wasiir Gudeedka Afghanistan, Abdul Sattar Mirzakwal, ayaa sheegay in awoodda si nabdoon loo wareejin doono, xili ay jidadka kusii sugnaanayaan Ciidamada Amaanka ee Dowladdu si loo sugo amaanka caasimadda Kabul.

Wuxuu intaa raaciyey in la dhisi doono “dowlad KMG ah” mar uu la hadlay Reuters isagoo dadwaynaha ugu baaqay inaysan dheg jalaq u siinin wax uu ku sheegay ”dacaayadaha wareegaya”, balse weli ma jiraan wax warar ah oo kasoo baxay Xafiiska MW Ghani oo ku saabsan wada hadalkan.

Dhanka kale, Ciidamada Daalibaan ayaa gacanta ku dhigay xabsiga ugu wayn ee Bagram oo ay ku jiraan ilaa 5,000 oo maxbuus. Xaaladdu waxay isu rog rogaysaa daqiiqad daqiiqad.

”Waxaan haatan haysannaa in ka badan 90% waxaana hadda joognaa bannaanka magaalada balse ma doonayno inaan dagaal ku galno oo aan dhibaato u gaysanno nafta iyo maalka dadwaynaha,” ayuu yiri Afhayeenka Daalibaan oo tilmaamay in iyaga lasoo weeraro mooyee aysan iyagu dagaal ku gelaynin magaalada oo uu doonayo inay si ”nabdoon isu dhiibto.” ayuu horay u yiri Afhayeenka Daalibaan, Suhail Shaheen, oo meesha ka saaray inay dagaal ku qaadayaan caasimadda Kabul oo 5-milyan qaad ah.

Kooxda Daalibaan ayaa sidoo kale haatan gacanta ku dhigay xad kasta oo uu dalkaasi la leeyahay kuwa deriska waxaana ugu dambeeyey mid ku xira dalka Pakistan.

Hadalsame Media