DHEGEYSO: Dadka sharci sugayaasha ah oo ciirsada hay’adaha samafalka Sweden maadaama aysan lacagta yari ku fillayn

0

(Stockholm) 11 Agoosto 2021 – Lacagta aadka u yare e la siiyo dadka magan-gelyo doonka ah ee Sweden iska dhiiba Ayaan la bedelin muddo 27 sanadood ah, taasoo keenta inay dad badani kaalmo dheeraad ah u baahdaan si ay u daboolaan daruuriyaadka asaasiga ah ee ay u baahan yihiin, sida ay sheegtay Laanqayrta Cas.

Jama Akrami, oo ah aabbe 2 carruur ah leh iyo xaaskiisa ayaa sheegay in biilkaa yari uu ka bood boodo bartamaha bisha, isagoo weliba sheegay in saasoo ay tahay ay kaliya iibsan karaa cuntooyinka iyo dharka rakhiiska ah ee ay gadaan hay’adaha dadka gargaara.

Markii ugu dambaysey ee wax laga bedeley lacagtan loo qoondeeyey magangelyo doonku waxay ahayd 1994-kii, xilligaasoo la qiyaasay in qofkii qaan gaar ah oo kali socod ah la siiyo 71 kr maalintii, qofkii qoys la socdana 61 la siiyo xitaa haddii uu qaan gaar yahay. Carruurta ayaa iyagoo da’da ku kala duwan u dhexeeya 37 kr – 50 kr maalintii.

Xisbiyada Vänster Partiet iyo Miljö Partiet ayaa arrintan soo wada qaaday, balse ma jirto dowlad isku howshay in wax lagu kordhiyo lacagta. Waxay se wadaan qorshe mustaqbalka loogu soo darayo doodaha miisaaniyadeed ee dowladda.

Hadalsame Media