XOG: War kasoo baxay Madaxtooyada Kenya oo ka caraysiiyey wefdiga Somalia & tillaabo la qaaday (Arag caddaynta)

0

(Mombasa) 10 Agoosto 2021 – Madaxtooyada dalka Kenya ee magaalada Mombasa ayaa war ay horay usoo saartay waxaa ka xumaaday wefdiga Somalia ee uu hoggaaminayo RW Rooble ee halkaa ku sugan.

Madaxtooyada ayaa horay degelladeeda wareed oo idil ku faafisay inay doonayso in muranka badda lagu dhameeyo si ”saaxiibtinimo ku dheehan tahay.”

Yeelkeede, waxaa arrintaa ashtako ka muujiyey wefdiga Soomaalida, maadaama ay taasi ku furtay dood badan oo ay Soomaali badani ka abuurtay baraha bulshada, waloow uusan warku rasmi ahayn.

Kenya ayaa deeto warkii hore ku bedeshey inay labada dal wanaajinayaan xiriirkooda diblomaasiyadeed ee sanadihii dambe xumaaday iyo sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen amaanka iyo iskaashiga dhaqaalaha oo ay nabaddu saldhig u tahay, sida ay sheegeen.

Hadalsame Media