Sababta Cabdi Qaybdiid & Xaaf looga reebay liiska hordhaca ah ee lasoo saaray & dadka kale ee laga tiray liiska Galmudug ee Aqalka Sare

0

(Dhuusamareeb) 11 Agoosto 2021 – MW Maamul-goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), ayaa Dhuusamareeb kasoo saaray liiska musharrixiinta Galmudug ku metelaysa Aqalka Sare, marka laga reebo laba kursi oo ka mid ah 8-da uu Gobolkaasi ku leeyahay Aqalka Sare ee Baarlamanka DF Somalia.

Waxaa haatan soo baxay liiska 6 ka mid ah kuraasida oo ay ku hardami doonaan 12 musharrax, halka aan lasoo saarin labada kale oo ay haatan kala haystaan labada Senatar ee Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) iyo Cabdiwaaxid Cilmi oo loo yaqaan Goonjeex.

Sababta dib u dhigista ayaa la fahamsan yahay inay tahay muran ka taagan kuraasidaasi oo ay odayaal isku haystaan iyo sidoo kale wada tashiyo uu wado Qoor Qoor oo ka mid ah Madaxda Maamul-goboleedyada ee sida aan Dastuurka ku fadhiyin faraha looga saarin inay arrimahan iyagu awood dheeri ah ku yeeshaan, tiiyoo ay jirto inay tahay howl kaba sarraysa tii iyaga loo igmaday ee maxalliga ahayd.

Waxaa ugu daran kursi ka mid ah oo ay iskula dheggan yihiin Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo horey u hanjabey iyo Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo haatan ku sugan jiida dagaalka lagu hayo kooxda Shabaabka.

Waxaa sidoo kale cirka loo tuuray oo aan liiska lasoo saaray ku jirin Guddoomiye Xigeenkii koowaad ee Aqalka Sare, Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) oo ka mid ahaa dadkii mucaaradka ku ahaa nidaamka haatan jira, halka ay boosaskooda musharraxnimo heleen Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer), Yuusuf Geelle Ugaas iyo Samsam Daahir Maxamuud.

Arrimahan ayaa maadaama loo maray jid qarda jeex ah waxaa laga fili karaa khilaafaad badan haddii aan laga dhigin doorasho furan oo aan qof iyo qofaf u qoofalnayn.

Hadalsame Media