”Waxaa Muqdisho kusoo wajahan ciidan Soomaali ah oo qaatay tababarka ugu adag caalamka!” – New African Facts

0

(Hadalsame) 10 Agoosto 2021 – Waxaa Somalia kusoo noqonaya ciidamo qaatay mid ka mid ah tababarrada caalamka ugu adag, sida uu qabo bogga New African Facts.

”Somalia waxay leedahay ciidamo ay tababareen Turkigu sanadihii yaraa ee ugu dambeeyey,” ayuu warkiisa ku bilaabay.

”In ka badan 5,100 oo askari oo ah kuwa guur guura oo la siiyey mid ka mid ah tababarrada dunida ugu adag 2-dii sanadood ee tegey, ayaa todobaadyada soo aaddan kasoo laabanaya dalka Eritrea.” ayuu daba dhigay.

Yeelkeede, wax xog ah oo rasmi ah weli lagama hayo wacaalka ciidamadaas la geeyey Eritrea oo qaar ka mid ah oo warbaahinta la hadlay ay sheegeen inay halkaa kula kulmeen dhibaatooyin iyo silac aan la qiyaasi karin.

Warar kale ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamadaasi ay ka qayb galeen dagaalka ka socda woqooyiga Itoobiya, gaar ahaan Gobolka Tigraay, iyadoo ay madaxda sare ee DF afka ka dhowrteen inay ka hadlaan arrintan.

Hadalsame Media