RW Rooble oo ku duulay sumadda MW Farmaajo & sababta oo la is waydiinayo!

0

(Muqdisho) 10 Agoosto 2021 – Waxaa goor dhowayd dalka Kenya u duulay RW Somalia, Md Maxamed Xuseen Rooble, kaasoo markii ugu horreeysey ku duulay sumadaha ay isticmaalaan madaxda caalamku oo ah adeeg aysan Somalia lahayn muddo 30 sanadood ka badan.

Yeelkeede, marka la eego qoraal uu Facebook kusoo qoray Afhayeenka Xumuumadda DF Somalia, Ibraahim Macallimuu, waxaa ku xusan inuu RW Rooble ku duulay sumadda MW Somalia, tiiyoo ay jirto inay kala leeyihiin 2 sumad-duullimaad. Hoos ka akhri mar kale:

”Duulista Hawada sharciyan Madaxweynayaasha Adduunka waxa ay qaataan duulimaadyada 001 Ra’iisul Wasaarayaashana 002. Soddan sano kaddib
waxa DF Soomaaliya ay buuxisay Shuruucdii duulista hawada,” ayuu soo qoray Afhayeenka Xafiiska RW, Maxamed Ibraahim Macallimuu.

”Sidaa awgeed maanta Ra’iisul Wasaare Rooble waxa uu duulimaadkiisu yahay SOM-001 taas ah ka dhigan in xitaa duulimaadyada kale ee caalamiga ah in ay la socdaan in duulimaadkaas uu la socdo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.” ayuu raaciyey.

Sida qoraalka ku cad sumadda oo1 waxaa iska leh Madaxwaynayaasha, halka ay Raysal Wasaarayaashu leeyihiin sumadda-duulis ee 002, balse waxaa la is waydiinayaa sababta uu RW Rooble ugu duuley midka Madaxwaynaha, taasoo durba doodi uga furantay baraha bulshada.

RW Rooble ayaa goor dhowayd waxaa uu u duulay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo ka jawaabaya casuumaad uu ka helay MW Kenya, Ahuru Kenyatta.

Hadalsame Media