DHEGEYSO: Sababta nin dembiyo waawayn Iiraan kasoo galay loo gayn waayey Maxkamadda Hague oo la sharraxay (Meesha hadda lagu maxkamadaynayo?)

0

(Hague) 10 Agoosto 2021 – Maxkamadaynta nin loo haysto inuu lug ku lahaa dilal wadareedyo ka dhacay dalka Iiraan sanadihii 80meeyadii ayaa maanta bilaabatay. Dhegeysiga dacwaddan ayaa lagu qabanayaa Maxkamadda Degmada Stockholm District Court.

Balse waxaa la is waydiinayaa sababta aan dacwaddan loo gaynin Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah ee Hague oo badiyaa lala xiriiriyo ka gar naqista dacwooyinka caynkan oo kale ah?

Waxaa arrintaa sharraxaad ka bixinaya oo jawaabta isku deyaya Prof. Said Mahmoudi, oo ah sharci yaqaan Xeerka Caalamiga ah ka dhiga Jaamacadda Stockholms Universitet.

’’Suuragal ma aha in qofkan maxkamad lagu hor keeno Iiraan, xalka qur ihi waa in lagu maxkamadeeyo dal kale oo xaq sharci ah u leh in lagu maxkamadeeyo, ayuu yiri.

Hadalsame Media