Madaxtooyada Kenya oo ”khaladkii” koowaad ka gashay RW Rooble + Sawirro

0

(Mombasa) 10 Agoosto 2021 – Waxaa RW Somalia, Maxamed Xuseen Rooble, magaalada Mombasa ku qaabiley MW Kenya ee Ahuru Kenyatta, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada dalkaasi.

”MW Uhuru Kenyatta ayaa qaabiley RW DF Somalia, Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdigiisa isaga oo ku sugan Madaxtooyada magaalada Mombasa ee dalka Kenya,” ayaa lagu qoray bogga Twitter-ka ee Madaxtooyada.

”Madaxwaynaha iyo Raysal Wasaaruhu waxay yeelan doonaan wada hadallo looga arrinsan doono danaha Kenya iyo Somalia.” ayaa la raaciyey. 

 

Sida qoraalka Madaxtooyada ka muuqda, waxaa si khaldan loo qoray magaca RW Rooble, iyadoo ay dad badani ka digayaan in uu iska ilaaliyo inay Kenya marsiisato arrimo masiiri ah xilli uu jiro khilaaf aan loo baahnayn oo ka bilowday dhanka Madaxtooyada Somalia.

War murtiyeed ay soo wada saareen labada dal ee Somalia iyo Kenya ayaa lagu sheegay inay labada dal ka arrinsan doonaan arrimo dhowr oo ka dhexeeya iyadoo aanay dowladda Kenya soo qaadin arrimaha badda, waloow ay saxaafaddeedu samaynayso qoraallo noocaas ah.

Hadalsame Media