DHEGEYSO: Shaqaalaha Maamulka Gothenburg oo ka cabsada inay sheegaan kooxaha gaangiska + sabab yaab leh (Warbixin cusub)

0

(Gothenburg) 10 Agoosto 2021 – Warbixin uu gacan ka gaystey Guddiga Maamul ee magaalada Göteborg, ayaa muujinaysa in shaqaaluhu aanay doonayn amaba ku dhicin inay soo sheegaan haddii ay arkaan dembi lugaha lasoo galay shaqada amaba iyaga laftoodu ay u ban-baxaan, cabsi ay ka qabaan aar gudasho uga timaada dembiilayaasha dartood.

Waxaa arrintan laga waraystay ilaa 50 shaqaale ah oo ka tirsan qaybta maamulka bulshada ee loo yaqaan socialförvaltningen, iyagoo ka warramay waxyaabo ay ka mid yihiin iibka daroogada iwm oo uu qofku arko iyada oo lagu iibinayo aagga uu ka shaqeeyo.

Tina Liljedahl-Scheel, madaxa qaybta tas-hiilaadka dadwaynaha ee HR, ayaa arrintan aad u cambaaraysay.¨

Waxaa warbixintan diyaarisay Anna Ekström oo u dhuun daloosha arrimaha amaanka, waana iyada qofka shaqaalaha mid mid u waraysatay, kuwaasoo bixiyey muuqaal ah in dadka ka tirsan kooxaha gaysta dembiyada abaabulani ay saamayn ku yeelanayaan howlihii maamulka magaalada.

 

Hadalsame Media

 

 

 

Facebook Comments