MW Kenya oo arrinta badda ku daray ajendayaasha uu doonayo in laga hadlo & jidka u furan RW Rooble + Sawirro

0

(Mombasa) 10 Agoosto 2021 – MW Kenya, Ahuru Kenyatta, ayaa qoraal uu lagu qoray webka Madaxtooyada uga hadlay kulanka uu Mombasa kula leeyahay RW Somalia, Maxamed Xuseen Rooble.

Waxaa qoraalka lagu xusay inay labada dal ka wada hadli doonaan wanaajinta xiriirka labada dal si dhinacyada ganacsiga, iskaashiga amaanka, socdaalka iwm.

“Wuxuu Madaxwaynuhu soo dhoweeyey soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Kenya-Somalia, isagoo ku baaqay in muranka badda xal saaxiibtinnimo lagu dhameeyo.” Ayaa lagu qoray bogga MW Kenyatta.

Si kastaba walow ay sidani tahay sidii uu jeclaan lahaa Kenyatta oo aysan ka tarjumaynin qodob ajende ah misna RW Rooble waa inuusan gelin wax heshiis ah oo masiiri ah, maadaama ay Somalia ku jirto marxalad kala guur ah.

Hadalsame Media