Halkee ayuu Dastuurku ka taagan yahay khilaafka MW Farmaajo & RW Rooble?

0

(Hadalsame) 10 Agoosto 2021 – Waxaa taagan khilaaf u dhexeeya MW Farmaajo oo soo saaray War Saxaafadeed u ekaa sidii in haddii Kenya lala kulmo ay ka dhigan tahay in la dhacayo xoolaha Somalia iyo RW Rooble oo isna mid kale kasoo daba saaray.

Labada nin oo uu caadiyan waqtigii muddo-xileedku ka dhacay balse waxaa la isku hayaa cidda howsha wadaysa muddada xil-gaarsiinta, iyadoo sidoo kale ay Madaxwaynayaasha Somalia, oo si aan ugu eg kuwo munaasibadeed, ay iskaga dhaqmaan awoodo badan oo aanu sharciguba siinayn, waxay dad badani is waydiin karaan halka uu Dastuurka dalku ka taagan yahay arrintooda, waloow mar hore daaqad laga tuuray oo aanba inta badan laguba dhaqmin.

Haddaba muxuu qeexayaa Qodobka 90-aad ee Dastuurka dalka oo ah midka qeexaya “Xilka iyo Awoodaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka,” marka la eego waxa ay isku hayaan.

RW Rooble ayaa wareegto uu dorraad soo saaray wuxuu ku xusan labada ee qodob ee 97-aad iyo kan 103-aad. Haddaba maxaa ku qoran?

Qodobka 97-aad ee dastuurka ayaa u dhigan sidan:-  

Farqadda 1-aad: Awoodda fulinta ee Jamhuuriyadda Federaalka ah waxaa leh Golaha Wasiirrada, waxayna u qabanayaan sida Dastuurka ku tilmaaman. 

Farqadda 2-aad: Golaha Wasiirradu waa hay’adda fulinta maamulka ugu sarraya Dowladda Federaalka, wuxuuna ka kooban yahay Ra’iisul Wasaare, Ra’iisul-Wasaare ku-xigeen/ku-xigeenno, Wasiirro, Wasiirro-Dawlayaal iyo Wasiirro-ku-Xigeenno.

Qodobka 103-aad ee dastuurka oo sidoo kale Rooble uu cuskaday ayaa waxa aku qoran sidan: 

Inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisul-Wasaare cusub la dhaarin doono, Raisul-Wasaarihii hore ee xilka hayey iyo Golihiisa Wasiirradu waxay sii haynayaan xilka, waxayna u fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee Dawlada si xilgaarsiin ah.”

Sidaa darteed, ma jiro sal sharci ku fadhiya oo MW Farmaajo siinaya awood uu kaligii iskaga sheegto inuu ilaalinayo ”hanti iyo dastuur Soomaaliyeed” isagoo dheelaya iskaako siyaasadeed, taasoo ka mid ahayd waxyaabaha diley kalsoonidii aadka runtii u faraha badnayd ee beri lagu qabi jirey.

Hadalsame Media