Ma kula tahay in ay Muqdisho ka guryo qaalisan tahay magaalooyin ku yaalla Maraykanka? (Arag yaabkan?)

0

(Muqdisho) 09 Agoosto 2021 – Gurigani wuxuu ku yaallaa Muqdisho, Degmada Yaaqshiid gaar ahaan deegaanka Daarasalaam, qiimihiisanu waa 130,000. Guriga sawirka labaad sida isna kaaga muuqata wuxuu ku America, minneapolis, wuxuuna qiimihiisu yahay 127,500$.

Sidaas oo kale iyadana waxaa dhaqan waali ah in labbo qol oo cidhiidhi ah lagu yidhaahdo 500$ ku kirayso. Sida dhammaanteen aan wada ogsoonahay, dadka Soomaaliyeed waxay ku jiraan dabaqadaha hoose ee nolosha, iyadoo weliba Soomaaliya kulaalayso wadamo faqrigoodi xadhkaha goostay, oo aan ka helin wax dheefa, in uu dhaqaale kaga baxa mooyaane.

Qaaliga nolosha, ee ay qaybta ka tahay guryaha iibka ah iyo kuwa kirada ayaa sida rasmiga ah noqday mid heerkii ugu sareeya maraya, kana sara maray inta badan wadamada adduunka ugu guryo qaalisan.

Halkan(Xamar) meelaha sida caadiga ah loo dego guriga labada qol ah waxaa lagu kiraynayaa 300$ ilaa 500$ inta u dhaxaysa middaas oo aan xitaa suuragal ka ahayn wadamada dadkoodu dabaqada sare ku nool yihiin.

Waxaa yaab badan in Somalia aysan isla jaanqaadaynin oo aan la is waafajin waxa loo yaqaanno awoodda wax gadasha (burchasing power) iyo sicirka suuqa, tusaale ahaan, haddii celcelis ahaan ay dadku bishii helaan 200 oo doollar, waa inuu suuqu waafaqsanaadaa qiimahaas uu qofku heli karo ee ma aha in uu 2 jeer lacagtaa ku qadeeyo.

Waxaa waxyaabahaa jimeeya oo ka fikira dhaqaala yahanno ay saaraan hay’aadka ku shaqada leh si aan dadku maciishadda ugu dhibtoonin, waana sababta aad magaalo wayn oo casri ah sida Ankara aad uga heleeyso 3 qof iyo fadhi aad bishii oo idil 100 doollar ka yar ku degayso.

Nasiib xumo, dalka Somalia siyaasiyiintu maba aha kuwo dan ka leh nolosha dadwaynaha iyo sidii loo wanaajin lahaa waana waxa ugu dambeeya ee ay ka murgaan, iyadoo ay dadwaynuhuna sidaa ku taageeraan.

Ma aha Xamar oo kaliya wuxuu dhaqanka caynkan ahi kusii fidayaa Caasimad walba oo ay leeyihiin Maamul Goboleedyada Soomaaliya. Haddaba waxaa la yaaba ma duni kale ayaan ku nool nahay, mise bulshadeena ayaa adduunka ka qanisan!?

Waxaa Qoray: Garaad Yaasiin & Maxamed Xaaji

Hadalsame Media