Waxaa Somalia ka qabsoomi doonta doorsasho ee doorasho haka sugin (Akhri sababta)

0

(Garoowe) 10 Agoosto 2021 – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni), ayaa xalay faafiyey liis lagu sheegay musharrixiinta u tartamaya Aqalka Sare ee Baarlamanka DF Somalia oo qayb isaga gacanta loo geliyey si aad uga soo horjeedda Dastuurka dhexe ee dalka.

Waxaa markiiba liiskan uu soo saaray oo ka kooban 22 musharraxan ka maqan oo laga waayey ilaa 9 musharrax oo horay Puntland ugu metelayey Aqal Sare oo ay ku leedahay 11 xubnood.

Waxaa xubnaha musharraxnimadoodii la xabaal nololiyey ka mid ah: Cumar Cabdirashiid Cali (Sharmaarke), Shukri Aadan Maxamed, Maxamed Daahir Sheekh Nuur, Cabdisalaan Xaaji Maxamuud Dheere, Hodan Maxamuud Cismaan, Cabdirisaaq Xasan Cismaan Jurile, Saciido Xasan Cismaan & Maxamuud Axmed Maxamuud.

Waxaa dhanka kale lasoo xulay rag ay jaanta isla helaan MW Puntland oo haatan halkaa xilal ka haya, waxaana laga xusi karaa Wasiirka Warfaafinta Puntland, Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde), Wasiirka Dekedaha, Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) iyo Guddoomiyaha Gobolka Bari, Cabdisamed Abwaan.

Waxaa horay sidan oo kale u wada sameeyey Jubaland iyo KG Somalia oo labaduba soo qortay dad ay iyagu wataan kuwaasoo kaaga darane aan xitaa la gelinin hardan sax ah, balse loola tartamay qaab malxiisnimo lagu mitaali karo, halka rag aysan iyagu doonaynin bilowgiiba liiska laga cunay.

Waxaana dhac-maalmeedkan furan ee siyaasadeed ka raalli ah Madaxwaynihii dhan ee dalka oo loo doortay inuu ixtiraamo Dastuurka dalka iyo qaar ka mid ah madaxda Maamul-goboleedyada oo ku camal falaya wax aysan xaq uba lahayn.

Tani marka laga soo tago inay tahay sharci darro aad u wayn marka la eego Dastuurka dalka oo aan arrintan u ogolaanaynin 2 sababood in ay khalad tahay inuu Guddoomiye Gobol yeesho awood intaas la’eg oo saamaynaysa howlihii DF iyo tan kale oo ah inay khalad tahay in qof loo diido inuu u tartamo xilalka dalka iyadoo aan la keenin sabab dastuuri ah, balse ay tahay dookh shakhsi ah oo qura.

Misna waxay tani furaysaa xaalad cusub iyo waa cusub oo wareer badan oo u baryey siyaasadda markii horeba musuqa badnayd ee Somalia, waayo ugu yaraan awal waa la wada tartami jirey oo qofna liiska lagama saari jirin.

Waxaa kale oo ay tillaabadani dhiirri gelinaysaa kali talisnimo heerar kala duwan ah oo marka dambe iskugu biyo shuban doonta mid wayn, iyada oo lagu marmarsoonayo in waxan oo kale wax laga qabanayana keeni karta inuu dalka qabsado nin badbaadiye iska dhigaya balse kaba belo badan kuwa uu baacsaday.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media