Sida ay Tigreegu isu arkaan marka ay Soomaaliga kala hadlayaan XUKUNKOODII dhibka badan gaystey

0

(Hadalsame) 08 Agoosto 2021 – Dadku kolka ay arrin ka wada hadlayaan badanaa runta isu ma sheegaan ee waa ay isu afgobaadsadaan.

Anigu kolka aan qofka ka la hadlayo arrin aan shakhsiyaddiisa iyo wax isaga u gaar ah khusayn ee ay tahay arrin guud, runta ayaan dhalaaliyaa oo ma afgobaadsan aqaan. Dabcigaa qofku saaxiibbo badan buu ku waayi karaa.

Nin Tigray ah oo aannu muddo dheer is naqaannay, saaxiibba yaannaan ahaane, ayaannu shalay cabbaar ka sheekaysannay dagaalka Itoobbiya. Waagii qoladiisu Itoobbiya iyo carriga Soomaalidaba ku qooqnayd ninkan iyo Tigrayga kale siyaasad ka la ma aan hadli jirin, waayo meel ay joogaanba bahalnimadii qoladoodu Geeska ka wadday waa ay qurxin jireen.

Haddaba shalay aniga oo doonaya in aan isaga ka dhex akhristo dareenka, aragtida iyo waayaha cusub ee dadkiisu ku sugan yahay, ayaan ka waraystay waxa Itoobbiya ka socda. Dabadeed wax uu bilaabay calaacal iyo eed sheegasho ku jeeda cid walba oo aan qoladooda ahayn.

Wax uu sheegay Abiy Axmed iyo maamulkiisu in ay yihiin cadaw loo soo diray in ay Itoobbiya burburiyaan. Wax uu ii la badheedhay in xukunkoodii la dumiyay ahaa berisamaad iyo jannadii adduunka ee Itoobbiya oo shisheeyuhu u quudhi waayay. Maraykan, Carab, Erateriya iyo cid walba wuu habaaray.

Qof aan aniga ahayni la ga yaabee in uu miskiinkaa jabay afgobaadsi u gu laabqaboojin lahaa, laakiin wax aan dhawr daqiiqo u gu koobay Wayaanahoodu waxii ay ahaayeen dhab ahaan iyo godobihii waaweynaa ee ay ka galeen qoomiyadaha kale, qaranka Itoobbiya iyo Jamhuuriyadda Soomaalida intaba.

Wax aan u sheegay kolkii ay ka xoroobeen gumaysigii Amxaarada in ay abuuri kari lahaayeen Itoobbiya cusub oo casri ah oo sinnaan iyo wada noolaansho leh, laakiin ay raaceen tubtii cadaabta ahayd ee Amxaarada. Wax aanan ku qiray in waxa imika dadkiisa ku dhacaya ay madaxdoodu u sababtay.

Wax aan ku idhi haddii aad doonaysaan badbaadada Itoobbiya iyo midnimadeeda, iyo in aan dad kale oo badani idinka dhiman, hubka dhiga, wadahadal gala, oo shicibnimo oggolaada. Maxaad ka filaysaa dareenkiisa? Yeelkadii. Runtu waa muhiim, run baanan u sheegay.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd-yuusuf

Hadalsame Media