DEG DEG: RW Rooble oo aqbalay casuumaad rasmi ah oo Kenya uga timid (Maxaa la iska yiri arrinta badda?)

0

(Muqdisho) 08 Agoosto 2021 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa aqbalay casuumaad rasmi ah oo ay u fidisay Dowladda Kenya kaddib markii uu la kulmay wefdi heer sare ah oo ka socdey dalka Kenya.

RW Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Kenya Raychelle Omamo, taas oo ay ka wada hadleen sare u qaadidda iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

”Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ka guddoomay casuumad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata,” ayaa lagu qoray war kasoo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.
”Labada Dal ee Kenya iyo Soomaaliya waa laba dal oo deris oo ay ka dhexeeyaan dano badan sida diblomaasiyadda, amniga iyo arrimaha dhaqaalaha.

”Xukuumadda Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa in dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya go’aankeeda laga sugayo Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada.” ayaa la daba dhigay, taasoo meesha ka saaraysa warar kasoo baxayey dhanka MW Farmaajo oo arrintaa aad loogu qaad qaadayey.

Tillaabadan ayaa imanaysa xilli ay xalay Madaxtooyadda Villa Somalia kasoo baxday warqad la sheegayo in ”lagu ilaalinayo dastuurka iyo hantida qaranka”, balse ay dad badani ku tilmaameen mid lagu xumaynayey moodhka kulankan oo horay u ballansanaa.

Hadalsame Media