Saxaafadda caalamka oo aad u amaantay arrinta ay sameeyeen Negeeye & Cabdi + Soomaalida oo si kale u aragta (Bal akhri yaabkan)

0

(Tokyo) 08 Agoosto 2021 – Saxaafadda adduunka ayaa si wayn u amaantay arrin dhexmartay labada 32-jir oo Soomaali ah oo u kala ordayey laba dal oo Yurub ah, goortii uu orodyahanka Dutch-Soomaaliga ah ee Abdi Negeeye uu dhiirrigeliyey ninka reer Belgian ee ay orodha dheer ku tartamayeen ee Bashir Abdi si uu u galo kaalinta 2-aad.

Ninka masaafada dheer isna orda ee Eliud Kipchoge oo ka socda Kenya ayaa isagu kaalinta 1-aad ku galay orodka 42km oo uu ku jaray 2:08:38 markii ay soo muuqdeen dhowr orodyahan oo kaalimaha hore isku haysta oo uu ku jiro Kenyan-ka kale ee Lawrence Cherono, ciyaaraha Olombikada Kulaylaha ee Tokyo.

Negeeye iyo Cherono ayaa u muuqdey kuwa ugu rajo fiican inay kala qaataan billadaha harsan ee qalinka iyo maarta, kaddibna markii ay siigada kaga tageen midka reer Spain ee Ayad Lamdassem (5-aad galay; 2:10:16), waxaana 4-aad ku jirey Cabdi xilli ay harsan tahay wax ka yar 100mitir, isagoo ku sigtay inuu haro.

Negeeye, ayaase dareemay fursad muuqata oo uu Cabdi uga tegi karo Cherono wuxuuna isagoo garabkiisa isha ku xadaya uu wiilka Belgian u ordayey ku dhiirri gelinayey inuu naf is yara geliyo.

Waana sida dhacday oo Cabdi wuxuu gashtay marsho cusub isagoo garab dhaafay Cherono oo ay 50 tillaabo uun uga harsanayd inuu billad kale usoo hooyo dalka Kenya.

Waxaa sidaa kaalimaha harsan ku kala galay Negeeye (qalin) iyo Cabdi (maar) taasoo keentay inay hab isa siiyaan wax ay saxaafadda caalamiga ihi ku tilmaantay wax muujinaya shucuurta togan ee Olombikada (positive Olympic spirit), tiiyoo aanay labadan nin horay abid ugu guulaysanin wax billad ah.

Yeelkeede, bulshada Soomaaliyeed iyadu dhinac kale ayay sheekada dhan ka arkaysey oo waxay kaliya arkayeen laba nin oo Soomaalinnimo iskugu hiillinayey iyagoo meesha ka saaray inay laba dal u kala ordayaan oo uu harsan laftooda dhex yaallo.

Qaar baaba intaa dhaafsiiyey oo bilaabay raadinta beelaha ay u dhasheen si ay u ogaadaan inay isku qabiil yihiin, taasoo ah waxa dad badan oo aan si wayn maskaxda uga shaqayni wax kasta ku sababeeyaan.

Abdi Nageeye, of Netherlands, celebrates after winning the silver medal in the men’s marathon at the 2020 Summer Olympics, Sunday, Aug. 8, 2021, in Sapporo, Japan. (AP Photo/Shuji Kajiyama)

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media