Turkiga oo Somalia siinaya lacag joogto ah & shuruud uu wato + Caddayn

0

(Muqdisho) 05 Agoosto 2021 – Dowladda Turkey ayaa Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya bil walib siin doonta lacag dhan 2.5 milyan oo doollar, si loogu qabto adeegyo dhowr ah. Waxay lacagtu soconaysaa muddo sanad ah, taasoo ka dhigan 30 milyan oo doollar.

Lacagtaan ayaa qayb ahaan loo adeegsan doonaa adeegyo muhim ah oo ay ka mid yihiin mug-dhisidda raasumaalka dadeed ee hay’aadka DF Somalia ee kala geddisan.

Yeelkeede, Turkiga ayaa sheegay inuu isha ku heyn doono qaabka loo isticmaali doono lacagtaan iyo waxyaabaha lagu maalgelin doono, isagoo doonaya in loo adeegsado oo qura wanaajinta iyo tayaynta dadka ka shaqeeya hay’aadka dowladda.

Somalia ayaa ka mid ah dalalka dunida ugu musuq badan, tiiyoo ay jirto in uu dalku deeqo badan oo kala geddisan ka helo dunida taasoo ah xaalad lala qabsaday oo raagtey (chronic) oo aan in wax laga bedelo qorshaha lagu arag, misna waxaa sidoo kale lacagta la lunsado ama si khalad ah loo khasiro ka mid ah midda maxalli ahaanta dadka looga qaado.

Hadalsame Media