”Xijaabka siib haddii aad shaqo doonayso!” – Dhacdo yaab leh oo qabsaya gabar Muslim ah (Daawo)

0

(Örebro) 05 Agoosto 2021 – Gabar lagu magacaabo Roshan Hashem ayaa aad u faraxday kaddib markii ay heshay yabooh shaqo, balse qosolkii farxadeed waxaa xigtey qamuunyo markii lagu wargeliyey in si ay shaqada u hesho looga baahan yahay inay xijaabka iska dhigto, taasoo weliba hadda qiil ka haysata Maxkamadda EU.

Roshan Hashem oo ku nool Örebro, waxay baratay howlaha amaan ilaalinta taasoo ay uga baxday tobanaan kun oo karoon, iyadoo deeto shaqo ka dalbtay Securitas, taasoo markii ay aqbalaadda waraysiga ay heshay lagu wargeliyey inay xijaabka xoorto.

”Waan ka niyad xumaaday arrintaasi, mase dhacayso inaan xijaabka tuuro xilliga shaqada.” ayay Roshan ku tiri hilinka SVT.

Securitas, ayaa diiddey inay arrintan kala hadasho saxaafadda, balse waxay e-mail ay direen ku sheegeen in ay siyaasaddan ku dhaqmayeen tan iyo 2017-kii, waxaana xeerkooda ku dhigan in uniform-kooda aanu ka muuqan karin wax gaar ah oo diin ama siyaasad gaar ah loo nisbayn karo, sida loo qoray.

Tillaabadan ayaa aad loo dhaliilay, waxaana ka hadlay ururrada xuquuqul insaanka iyo cadaaladda, iyadoo uu ururka Open Society Justice Initiative uu ku sifeeyey tillaabo albaabbada usii ballaqaysa Islaam nacaybkii taagnaa.

Halkan ka DAAWO….

Hadalsame Media