7 arrimood oo uu caadaysigoodu caafimaadka u roon yahay haddii aad samayso SUBAXDA hore!

0

(Hadalsame) 05 Agoosto 2021 – Qormadan oo aynu ka soo xiganay shabakadda wararka ee caanka ah ee Al-Carabiya, waxa ay soo bandhigaysaa toddoba qodob oo qofka ku dhaqma maalin kasta arroorta hore, gaar ahaa wixii ka horreeya 7 subaxnimo uu ka helay faaa’idooyin caafimaad oo tiro badan.

1. Muruqyada kala bixi: Isla marka aad hurdada ka toosto, waxa uu jidhku u baahan yahay in uu helo waqti uu dib ugu soo ceshado baraarugsanaantii iyo firfircoonidii, sidaa awgeed ku dadaal in aad samayso jimicsi iyo is-kala bixin fudud, sida lugaha, iyo gacmaha oo aad si dhibirsan u kla bixiso, waxa ay taasi dhiigga u sahlaysaa in uu mar kale dib u soo ceshado habsami u wareeggii uu jidhka oo dhan ku gaadhayey.

2. Toon cun: Toontu waxa ay leedahay faa’idooyin mararka qaarkood mucjiso lagu tilmaamo, ku dadaal in aad subaxd hore  calaaliso toon. Toonta subaxda hore la cuna waxa ay xoojisa  habsami u wareegga dhiigga, waxa ay xoojisaa hab-dhiska dheefshiidka, waxa ay ka hortagtaa caabuqa iyo dulinka cudurrada dhaliya.

3. Liin dhanaanta: Subaxda hore oo la cabbo koob sharaab ah oo laga sameeyey liin dhanaan, waxa ay u fiican tahay caafimaadka keliyaha iyo beerka, oo ay u fududayso in ay si habsami ah shaqadooda u qabsadaan, sidoo kale waxa ay xoojisaa habdhiska dheefshiidka.

4. Shaah Sinjibiil: In aad subax kasta cabto sinjibiil sida shaaha loo kariyey, waxa ay leedahay faa’idooyin badan oo caafimaad, waxa ay jidhka ka nadiifisaa dulinka iyo jeermiska. Waxa aanay dhiigga ka ilaalisaa in uu guntamo.

5. Socod iyo u fiirsasho: Socodku waxa uu ka mid yahay jimicsiyada ugu fiican, sidaa awgeed ayaa ay khubarada caafimadku ku talinayaan in subax kasta 7 ka hor uu qofku ku dadaalo in uu socdo, waxa aanay daraasadaha caafimaadku xaqiijinayaan in dadka caadaysta socodka subaxda hore, ay si weyn caafimaad uga helaan.

6. Shaah Akhtarka: Subaxda hore waa waqtiga ugu habboon ee ay tahay in qofku uu cuno khudradda, ama casiirkeeda cabbo, sidaa awgeed waxaafiican in qofku uu subaxda hore cuno ama cabbo sharaabka, khudradaha ay ka mid yihiin, Daba-casaha, Beetaraafka iwm.

7. Quraacda: Sida ay daraasaadka cilmiga ahi xaqiijinayaan, in qofku uu cuni waayo quraacdu waxa ay khatar ku keenaysaa guud ahaan caafimaadka jidhkiisa, sidaa awgeed waxaa muhiim ah in qofku uu subax kasta quraacdo, weliba waxa ay khuabradu tilmaamaan in sida ugu fiicani tahay in quraacdaasi ay ka horreyso 7 subaxnimo.

Waxaa Diyaariyey: Kamaal Marjaan

Hadalsame Media