SAWIRRO: Ma aaminaysid DAKHLIGA ay Bajaajyada oo qur ihi sanadkii DF soo geliyaan & dacda ay dhex yaallaan (Arag xisaabtan)

0

(Muqdisho) 03 Agoosto 2021 – Dadwaynaha Gobolka Banaadir ayaa la ciirciiraya dacdarro iyo dayacaad ka haysata adeeggii ay uga baahnaayeen DF Somalia iyo Maamulka ku magacaaban Gobolka Banaadir, iyadoo ay jidadka badankood haatan isu rogeen balliyo wasakh ah, taasoo dhacda mar kasta oo uu roob da’o.

Gaadiidleeyda isticmaasha jidadka Muqdisho ayaa laga qaadaa canshuur fara badan, balse annaga oo aanba xisaabin gaadiidka waawayn iyo kuwa meel dhexaadka ah aannu soo qaadanno Bajaajyada ku sugan caasimadda Muqdisho oo qura oo lagu qiyaasay inay kor u dhaafayaan 35,000 oo Bajaaj, sida uu xisaabay Gallad Grand oo magaalada si wacan u yaqaan.

Waxaa midkiiba laga qaadaa canshuur gaaraysa $15 doollar bishii. Waxay marka la wadareeyo Bajaajyada oo dhami bil kasta soo saarayaan lacag ka badan nus milyan doollar amaba $525,000 oo doollar, taasoo markii sanadkii lagu dhufto gaaraysa $6 300,000milyan oo doollar, ama wax ka badan 6 milyan oo doollar.

Xusuusnow waxa aannu xisaabineynno waa kaliya canshuuraadka lagasoo ururiyo Bajaajleeyda oo weliba intaas kasii badan tiro ahaan, waayo waxaannu kasoo qaadannay meel hooseeysa.

Hadaba su’aashu waxay tahay, markii la diyaarinayey canshuurahaas ay baxshaan qaabkii lagaga soo ururin lahaa, maxaa loogu dari waayey qorshaha qaabka jidadkii ay mari lahaayeen loogu dhisi lahaa ama loogu dayactiri lahaa? Maadaama ujeedka canshuur bixintuba ay tahay in dadwaynaha lacag laga qaado oo deeto loogu qabto danaha guud ee ka dhexeeya.

Dhaqanka noocan ihi waa dhiig miirasho aan u qalmin in loola tago umad muddo dowlad la’ayd, waxayna dilaysaa kalsoonidii ay ahayd in dadka loo geliyo dowladnimada. Waxa qura ee loo baahan yahayna waa qorshayn daacadnimo ku laran si loo helo Qorshe A iyo B arrinta lagu xalliyo.

Waa in ay dadka gobolku helaan dad u shaqeeynaya ee aan ka shaqaysanaynin.

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media