DAAWO: Ikraan Tahliil hooyadeed oo u ”dacwootey” hooyada dhashay Agaasimaha NISA, Fahad Yaasiin

0

(Muqdisho) 03 Agoosto 2021 – Bil ayay kusii dhowdahay markii dad ugu wardambaysey Ikraah Tahliil Faarax oo gurigeeda laga kexeeyey xilli fiid ahaa 26-kii Juun aminta maxalliga ihi markii ay ahayd 20:03, taasoo aan kaddib il la saarin, iyadoo ay faruhu ku godan yihiin Hay’adda NISA oo ay ka tirsanayd.

Waxyaabaha shakiga sii kordhinaya ayaa ah inay gabadhu ku sugnayd meel amaankeeda si aad ah loo ilaaliyo iyo in aamuska dhega barjayska ah ee isla Hay’adda NISA oo aan kiiskan wax wacaal ah kasoo saarin, taasoo ah hab-dhaqan aan ku wanaagsanayn dal doonaya nidaam ku dhisan isla xisaabtan iyo daah-furnaan.

Haddaba, nin abti u ah Ikraan ayaa xagal cusub u yeelay sheekada isagoo sheegay in qoyska gabadha maqani ay tillaabooyin badan oo sal-xagaalis ah qaadeen sida in hooyada gabadhu ay xitaa la xiriirtey hooyada Fahad Yaasiin, taasoo muujinaysa xaaladda iyo heerka ay gaareen qoysku.

Halkan hoose ka daawo….

Hadalsame Media