Imaaraadka oo 24 saac gudohood markii 2-aad shixnad aan la shaacin ka dejiyey Addis Ababa (Arag caddaynta)

0

(Addis Ababa) 03 Agoosto 2021 – Waxaa cirka ku shareeran xaaladda Itoobiya oo ku jirta dagaal sokeeye oo rasmi ah, iyadoo sidii Somalia la kulmaysa faragelin caalami ah oo jihooyin kala geddisan kaga socota.

Dalal badan oo caalami ah ayay qaarna taageerayaan DF Itoobiya, halka qaar kale ay la safan yihiin kooxda fallaagada ah ee Tigreega oo doonaysa inay gobollo badan dab ku dhejiso si ay xaaladdu faraha uga baxdo, waxay durba weerar ku kala qaadeen gobollada Amxaarada iyo Cafarta.

Hadda waxaa soo baxday in muddo 24 saacadood gudohood ah markii 2-aad uu duullimaad aan caadi ahayn oo samaysay dayuuradda Etihad Airways ee dalkaasi Imaaraadku ay shixnad aan la qayixin ka dejisey Itoobiya.

Duullimaadkan oo kala ah ETD9869 iyo EY9869 oo ay samaysay dayuuradda qarada wayn ee A6-ETC, Boeing 777-3FX(ER) ee xamuulka qaadda, ayaa kasoo duuashay Abuu Dabeey, caasimadda Imaaraadka, iyadoo maanta ka degtey Addis Ababa.

Sida ka muuqata meelaha laga raadiyo duullimaadyada, waxay diyaarad Imaaraati ah oo isla xajmigan lihi ay halkaa shixnad aan la ogayn gaysey 1-dii Abriil iyo 2-dii Maajo ee isla sanadkan 2021.

Waxaa loo badinayaa inay dayuuradahani DF Itoobiya u sidaan hub iyo saanado kale oo ciidan oo ay ku taageerayaan. Turkiga ayaa isna ballan qaaday inuu taageero siin doono DF Itoobiya oo cadaadis ba’an ka wajahaysa reer Galbeedka.

Hadalsame Media