DEG DEG: Guddoonka Aqalka Wakiillada Somaliland oo lagu kala baxay

0

(Hargaysa) 03 Agoosto 2021 – Cabdirisaaq Khaliif oo loo doortay guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, 42 cod ayuu heley, halka Faratoon uu heley 39 cod.

Xilkan ayaa waxaa isku hayey xisbiga xilka haya ee Kulmiye oo doorashadii ugu dambaysey aan aqlabiyad ka helin iyo axsaabta mucaaradka ah ee Waddani iyo UCID oo isbahaysi samaystay.

Arrintan ayaa keentay wax u eg xasarad yar oo dastuuri ah kaddib markii lagu kala bixi waayey xitaa cidda guddoominaysa kalfadhigii doorashada haatan dhacday, iyadoo looga dhaartay Faratoon maadaama uu musharrax ahaa.

Taasi waxay keentay inuu shir guddoonka noqdo Guddoonka Maxkamadda Sare ee Somaliland.

Hadalsame Media