DF Somalia oo ka hadashay tillaabo ay wadaan AU oo lagu dhexdhexaadinayo Somalia & Kenya (Warqad la helay)

0

(Muqdisho) 02 Agoosto 2021 – Wasiirka Arrimaha Dibedda ee DF Somalia  Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya aysan aqbali doonin dhexdhexaadin ku saabsan muranka xuduudda badda ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Warka Wasiirka ayaa jawaab u ahaa kaddib markii la helay xog qoraal ah oo kasoo baxday Midowga Afrika oo ay VOA heshay muujiyey inay door u kala dabqaadis ah ka ciyaari karaan murankan ay Kenya horseedka ka tahay.

Wasiirka ayaa VOA Somali u sheegay in Somalia aanu dookhaasi u furrayn hadda maadaama uu kiisku hor yaallo Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ oo looga fadhiyo inay ka garnaqdo iyadoo dhowr dood afeed maqashay tan iyo 2014-kii.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay inay doonayaan wanaajinta xiriirka 2da dal ee deriska ah oo ay socdaan tillaabooyin diblomaasiyadeed iyadoo dib loo furay labadii safaaradood ee labada dal.

Hadalsame Media

Facebook Comments