DF Somalia & FAO oo isla dejiyey qorshe Somalia ka anfacaya meel ay aad uga dayacan tahay + Sawirro

0

(Muqdisho) 03 Agoosto 2021 – Hay’adda QM ugu qaybsan cuntada iyo beeraha ee FAO qaybteeda Somalia, ayaa ka hadashay qorshe cusub oo lagu maaraynayo biyaha Somalia.

FAO ayaa sheegtay inay DF Somalia isla wadaan qorshe qaran oo lagu maaraynayo maaraynta biyaha dabiiciga ah.

Qorshahan ayaa ku saabsan yoolal la doonayo in la higsado inta laga gaarayo 2025-ka; kuwaasoo ku saabsan biyaha.

Somalia ayaa marka laga soo tago inay ka mid tahay dalalka ugu roobka yar dunida, waxay misna aad ugu liidataa dhanka maaraynta biyaha, kaydintooda iyo xitaa in si hufan looga faa’iidaysto marka la heli karo.

Sidaa darteed, dalku wuxuu u dhexeeyaa abaar iyo daadad.

Hadalsame Media