Colaaddii Soomaalida & Cafarta Itoobiya oo ka qiiqday caasimadda Jabuuti & Dowladda oo si adag uga hadashay

0

(Jabuuti) 02 Agoosto 2021 – Dowlada Jabuuti ayaa si caro leh uga hadashay rabshado ka dhacay qaybo ka mid ah caasimadda Jibuuti oo u dhexeeyay Qoomiyadaha wada daga Jabuuti oo ay ugu badan yihiin Soomaalida iyo Canfartu.

Rabshadahan oo ay dad ku dhinteen isla markaana ay qaar kale ku dhaawacmeen ayaan weli lasoo gudbinin tirada rasmiga ah ee wax ku noqotay, balse waxaa is fara saaray dad rayid ah oo xitaa guryo iska gubey.

Ciidamada amaanka Jabuuti ayaa dadka qalaalqalka wadey ku kala eryay sunta dadka ka ilmaysiisa iyadoo ay dadku tuurayaan dhagxaan iyo waxyaabo kale.

Wasirka Arrimaha Gudaha ee Jabuuti, Saciid Nuux Xasan, oo warbaahinta la hadlay ayaa luuqad adag uga jawaabay qulqulatooyinkii ka dhacay xaafado ka mid ah caasimadda Jabuuti, isagoo sheegay in aan loo dul qaadan karin isku dhacyada qoowmiga ah ee ka dhacay Jibuuti.

“Maanta arrin halis ah ayaa dhacay in Aqalladii dadku lahaayen shicibku lahaayen la’ gubo arrinka aarrin ay dowladdu u dul qaadanayso maaha” ayuu yiri wasiir Saciid Nuux Xasan oo waalidiinta ugu baaqay inay carruurtooda ceshadaan.

Muuqaallo laga soo duubay shaqaaqooyinka ka dhacay magaalada Jabuui ayaa la arkayay qiiq madow oo cirka isku shareeray kadib markii guryo dab la qabadsiiyay, waxaa kale oo la arkayey dad haween u badan oo ba’aysanaya.

Colaadda Soomaalida iyo Cafarta ee Jabuuti ka taagan ayaa salka ku haysa midda Kilinnada Soomaalida iyo Cafarta ku dhexmartay 3 tuulo oo ay ku jirto Garbo Ciise oo ay Cafartu doonayso inay xoog ku maamusho.

Hadalsame Media