”Itoobiya qiime ayay noogu fadhisaa!” – Turkiga oo taageero u ballan qaaday RW Itoobiya ee Abiy Ahmed (Wada hadal dhacay)

0

(Ankara) 01 Agoosto 2021 – MW Turkiga ee Recep Tayyip Erdoğan ayaa xiriirka labada dal kala hadlay RW Itoobiya ee Abiy Ahmed oo uu khadka telefoonka kula hadlay, gaar ahaan tadawuraadka cusub ee gobolka.

Erdoğan ayaa Abiy u sheegay in Turkey uu si wayn u qiimaynayo nabadda iyo xasilloonida Ethiopia isagoo u ballan qaaday nooc kasta oo taageero ah oo ay Ankara bixin karto.

RW Abiy Ahmed ayaa cadaadis maxalli ah ka wajahaya xasillooni darrada ka dhalatay dagaallo ay wadaan Ciidanka TDF ee Tigreega, halka ay dalal Galbeedka u badanina ay ugu dareen mid caalami ah.

Xiriirka Turkigu la leeyahay guud ahaan qaaradda Afrika ayaa aad u kobcayey sanadihii ugu dambeeyye, iyadoo uu MW Recep Tayyip Erdoğan uu marar badan sheegay inuu doonayo inuu xiriirkaa sii xoojiyo.

Turkey ayaa inuu Afrika si gaar ah ula saaxiibo dejiyey 1998-kii, balse wuxuu tillaabadii 1-aad oo culus qaaday 2005 markii ay Ankara samaysay halkudhegga “Sanadkii Africa.”

Turkey ayaa isla sanadkaa maqaam goobjooge looga ogolaaday Ururka Midowga Afrika ee AU, iyadoo Turkiga loo aqoonsaday jaal istaraatiji ah 2008-dii, iyadoo sanadkaa 50 dal oo Afrikaan ah iyo Turkigu ay shir iskaashi ah ku yeesheen Istanbul.

Hadalsame Media