Ciidamada Tigreega oo hanjabaad culus u diray DF Itoobiya & Eritrea (Go’itaan ay doonayaan)

0

(Maqalla) 02 Agoosto 2021 – Ciidamada Tigraay ee ka dagaallaya Woqooyiga Itoobiya ayaa wacad ku maray inay sii wadayaan dagaalka tan iyo inta xayiraadaha saaran gobolka laga qaadayo iyagoo DF Itoobiya u jeediyey inay aqbasho xabbad joojinta shuruudaysan ee ay wadaan.

Nin lagu magacaabo Jen. Tsadkan Gebretensae, ayaa wuxuu BBC u sheegay in dagaalyahannada Tigreegu ay sii joogayaan oo aysan marna ka bixin doonin dhulalka ay ka qabsadeen qoowmiyaadka Cafarta iyo Amxaada tan iyo inta ay ka gaarayaan wax uu ku sheegay hadafkooda.

Jeneraalkan ayaa sidoo kale tibaaxay in ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea ay weli ku sugan yihiin meelo ka tirsan Gobolka Tigraay, balse ay iyagu dhulalkaa ka xorayn doonaan haddii aanay iskood uga guurin, sida uu ku gooddiyey.

Gebretensae ayaa wuxuu intaa raaciyey in mustaqbalka dhow ay u baahan yihiin Gobolka Tigraay afti shacab laga qaado, marka buu yiri ay heshiis siyaasadeed si uun ula galaan xukuumadda dhexe ee Addis Ababa, taasoo muujinaysa inay go’itaan doonayaan.

Gobolka Tigraay oo ay dagaallo bilowday bishii Nofeembar ee sanadkii tegey ay weli ka qiiqayaan, ayaa waxaa ka jira xaalado aadminnimo oo ba’an iyo macluul ay wajahayaan boqollaal kun oo dad ah.

Hadalsame Media