Siyaasad nooc cusub ah oo ka curatay Somaliland & cabashooyin culus oo taagan (Dhaawac ay u gaysanayso doorashadii dhacday)

0

(Hargaysa) 31 Luulyo 2021 – Guddoonka Xisbiyada Mucaaradka ee Waddani iyo Ucid ayaa ka fal-celiyey arrin ay ku eedeeyeen Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, kaasoo ay sheegeen ”inuu iibsanayo” xildhibaanada labada xisbi ee dhowaan kusoo baxay doorashooyinkii kala heerka ahaa ee qabsoomay, kuwaasoo deeto samaystay isbahaysi.

Guddoomiyeyaasha Waddani iyo UCID, Cabdiraxmaan Ciro iyo Faysal Cali Waraabe, ayaa tibaaxay in Muuse Biixi uu ku takri falayo maaliyaddii dadwaynaha oo uu xildhibaannada ku iibsanayo canshuurtii laga ururiyey dadwaynaha, taana aan laga aqbalaynin.

Waxaa ay sidoo kale Madaxweynaha ku eedeeyeen in uu ”handadaad u geysanayo” Xildhibaanada xisbigiisa ka tirsan ee la dhacsan aragtida mucaaradka, taasoo ay sharci darro ku tilmaameen.

“Waxaan leenahay Madaxweynaha lacagtii islaanta hilibka iibinaysa, ninka baabuurka wada ee cashuurta wada marista laga qaadayo, islaanta aan musqul haysan ee aan hadh haysan, lacagtii ummadda masaakiinta ah ayaa maanta lagu iibsanayaa xildhibaanadii,” ayuu yiri Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Muuse Biixi ayaa lagu eedaynayaa inuu geed kasta u fuulayo sidii uu Guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland u noqon lahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda, Yaasiin Faratoon, iyadoo sida muuqata aanay caddayn waxa Somaliland uga degsan sida xilalka noocan ah lagu imanayo, maadaama ay Xisbiyada mucaaradku aqlabiyad leeyihiin se waxay ahayd inay iyagu xilalkaa qaataan, marka la eego nidaamyada caalamka.

Waxaa sidoo kale cajiib ah oo ay dad badani fahmi la’yihiin, xeerka la raacayo marka qof Xildhibaan ah oo xisbi ka tirsani uu xisbi kale oo lid ah iskaga biirayo ama la shaqaynayo iyadoo aanu xisbigu arrintaa isku waafaqsanayn.

Waxay taasi doorashadii dhacday ee xisbiyada kala duwan loo kala codeeyey iyo doorashada lafteedaba kasoo qaadaysaa mid aan micne badan lahayn oo iska tusaaleyn ah.

Hadalsame Media