Maxay tahay sababta uu Maraykanku u hubeeyey Ciidanka Afghanstan balse uu Somalia u hagranayo?! (Laba sababood oo waawayn)

0

(Hadalsame) 30 Luulyo 2021 – Dalka Maraykanka ayaa gebi ahaanba ka baxay dalka Afghanstan oo uu ku sugnaa muddo 20 sanadood ah, taasoo keentay inay soo laba kacleeyaan kooxda Daalibaan oo ka faa’iidaysanaysa mooralka hooseeya ee Ciidanka Qalabka Sida ee dalkaasi.

Yeelkeede, Maraykanka ayaa Ciidanka Afghanstan siiyey balaayiin doollar oo gargaar, tababar iyo qalabayn ah, waxaana agabka la siiyey ka mid ah dayuuradaha qumaatiga u kaca ee fudud ee dagaalka.

Waa nooca MD 530F Cayuse Warrior oo ku qalabaysan gantaalo iyo qoryaha darandoorrriga u dhaca ee FN HMP400 LCC iyo gantaalo, balse waxaa la is waydiinayaa sababta Afghanistan oo laftiisu ah dal qoomwiyaad iyo madhabo u qaybsan loo siiyey balse loogu diidayo Somalia.

Waxaa dooddan Twitter-ka keenay Fowsi A Cusmaan, balse dadkii ka falcelinayey oo meelo kala duwan ku dhuftay ayaa taabtay 2 qodob oo muhim ah oo ay sababta ku micneeyeen.

1 – Somalia oo ay ka jiraan maamullo iyo siyaasiyiin mar kasta wax ka eega xagal daneed iyo mid qabyaaladeed, kuwaasoo aalaaba cabashooyin ka hor geeya mar kasta oo la isku dayo dhismaha iyo qalabaynta Ciidanka Qalabka Sida ee Somalia.

2 – Reer Galbeedka oo aan marna doonayn inay Somalia yeelato cudud u dhiganta dalalka deriska ah iyo dadka Somalia oo aan arrintaa sida ay tahay uga dhiidhin, balse taa bidaalkeeda la taagan siyaasad caawinaysa diidmada reer Galbeed, sida siyaasiyiinta DF oo inta badan danaha qaranka uga mashquula kuwa gaar ah iyo kursi raadin.

Labadaas ayaa ugu waawayn dayacnaanta ka muuqata danaha dalka Somalia oo laga dhigay dugge cambaar leh oo aysan dad fayoobi ku noolayn.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media