Gabar weriye ah oo kabaha la dulmartay gabar Sucuudi ah oo guuldarro bahdil ah kala kulantay mid u dhalatay Israel

0

(Tokyo) 30 Luulyo 2021 – Gabar lagu magacaabo Tahani Al Qaxdaani oo dalka Sucuudiga metelaysey ayaa waxaa guuldarro bahdil ahayd u gaysatey Raz Hershko oo u tartamaysey Israel.

Al Qaxdaani oo dhamaadkii ciyaarta salaantey gabadha garaacday ayaa ciyaarta Juudowga ayaa waxaa looga badiyey 11-0 oo ah guushii ugu waynayd Juudoowga, balse waxaa bilaabatay dood kaba xamaasad badan ciyaarta oo ka socota dunida Muslimka iyo Carabta.

Gabadhan oo ah 21-jir dhigata Jaamacadda King Saud ee Riyaad ayaa ka qayb geleysey Juudowga +78 kg oo ka dhacay Nippon Budokan Arena, Tokyo.

Gabadha weriyaha ah ee Ramia Ibraahiim oo ka shaqaysa TV-ga Al Mayaadiin, ayaa weerar jees jees ah ku qaadday Al Qaxdaani oo ay ku tilmaantay mid aqbashay inay Israel wajahdo xilli ay diideen laacibiin kale oo Carbeed, taasoo keentay in la bahdilo.

“Hambalyo kun jeer Qaxdaani oo khasaaro usoo jiiddey Sucuudiga iyo Carabta kaddib markii ay aqbashay wajihitaanka Israa’iiliyadda ciyaaraha Olombikada.” Ayay soo qortay Ramia oo dood ka furtay Twitter.

Hadalsame Media