3 BEENOOD oo caalami ah oo ay haweenku caan ku yihiin (Fadlan akhri)

0

(Hadalsame) 31 Luulyo 2021 – Qormadan waxa aynu ku soo qaadanaynaa saddex beenood oo ay culimada cilmiga bulshadu sheegaan in aanay marnaba dumarku ka run sheegin, saddexdaa arrimood oo dhammaantood ku xidhiidhsan ninka ay xidhiidhka haasaawe la leeyihiin ama sayga qaba.

1. Khaladkayga waan qirtaa

Waxaa hubaal ah in gabadha sheegata in ay caado u leedahay in khaladaadkeeda ay raalli gelin ka bixiso, ay tahay gabadh aan run sheegayn, waayo. Waxaa la aaminsan yahay in ninka ay ku beeran tahay ruux aaminsan sarrayn iyo hoggaamin, sidaa awgeed khaladka laga galo oo loo qiran waayo waxa uu ka qaadanayaan dareen nafsiya oo ah in qofkaas aanu qaddarin ama uu doonayo in uu caqligiisa ku ciyaaro, waana sababta keenta in marka qalad laga galo uu inta badan ku ficil qaato in aanu ka hadhin illaa ruuxa khaladka galay uu ka garaabo khaladkiisa, haddii kalana waxa uu bilaabaa aargoosi.

Tijaabooyin kala duwan oo hore loo sameeyey ayaa daahfurtay in gabadhu haddii ay qaladkeeda qirato, raalli gelin fiicanna ka bixiso ay ninka ku adag tahay in uu qaadan waayo raalli gelintaas, xataa haddii uu ahaa qalad marka hore aad ugu weynaa, laakiin sida ay khubarada cilmiga bulshadu sheegayaan gabadha sideedaba waxaa ku adag in ay qirato qaladkeeda, haddii ay marar dhif ah dhacdana waxa ay jeceshay in aanay raalli gelin ka bixin.

2. Ma hinaaso / ma masayro

Dumar badan ayaa ku andacooda in aanay hinaase lahayn, iyaga oo keliya ka ordaya in arrintaasi ay gol-daolool ku noqoto ama ninku uu si uun uga faa’idaysto. Waxa ay sheegaan in ay nafahooda ku kalsoon yihiin, sidaa awgeed aanay jiri karin sabab ay ninka uga shakiyaan in uu gabadh kale ku soo dul xareeyo. Ama ay sayga laftiisa ku kalsoon yihiin oo aanay ka baqo qabin in uu gabadh kale raadsado.

Khubarada cilmiga bulshadu waxa ay aaminsan yihiin in uu hinaasuhu yahay dareen abuur ah oo ku beeran dhammaan noolaha, hinaasaha ugu xanuunka badanina uu yahay kan bani aadamka ku dhaco marka uu lexe jeclaynayo mataanka uu nolosha la wadaago ama damac kaga jiro in uu la wadaago. Marka ay dumarka noqotana waxa la aaminsan yahay in gabadhu marka ay aragto saygeeda, ninka ay xidhiidhka haasaawe la leedahay ama xataa ninka ay dusha uun ka jeceshay ee aanay wax rasmi ahi dhex marin oo la jooga ama si dareen leh u eegaya gabadh ama la hadlaya in uu si sahal ah xakamaha naftu uga lumo una dhow dahay in ay ku kacdo ficillo laga yaabo in xataa iyada nafteedu aanay iska filayn.

3. Adduunyo iyo lacag ma daneeyo

Waa dabeecad xaawaleydu ka siam tahay in ninka ay mar kasta dareensiiso in aanay haba yaraato ee wax dan ah ka lahayn adduunkiisa iyo in ay maal ka hesho, sidoo kale dadkana ay taas dareensiiso. Laakiin waxaa hubaal ah in tiro badan oo dumarka ka mid ahi ay ninka ku qiimeeyaan hayntiisa, iyo daryeelka dhaqaale ee ay mustaqbalka qoysnimo ka filan karaan. Marka dhinac laga qiimeeyo gabadhu waa ay ku saxan tahay in ay hubiso haynta iyo dakhliga dhaqaale ee ninka soo gala iyo ka uu samayn karo, waayo waxa aynu dareensannay culayska dhaqaale ee qoysku soo kordhinayo iyo baahida lacageed ee la kowsanaysa dhismaha qoyska, hoyga’, caafimaad, waxbarasho iyo kharashaad aanay noloshu ka maarmayn ayaa jira oo la’aantood nolosha qoysku adkaanayso, si kastaba ha ahaato ee waxa aan la diidi karin in dumar badani ku talax tagayaan qiimaynta adduun ee ay ninka ka filayaan. Haddaba haddii aad gabadha ka maqasho in aanay baahi lacageed ninka ku qiimaynayn, wax badan ayaan run ka ahayn.

Isha: Daryeel Magazine

Hadalsame Media