Guddi ka kooban 3 hay’adood oo loo saaray baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil oo bil maqan

0

(Muqdisho) 27 Luulyo 2021 – DF Somalia ayaa la sheegayaa in ay guddi xaqiiqo raadin ah oo baaraya u saartay kiiska gabadha la la’yahay balse isla gacanta hay’aadka DF lagu tuhmayo ee Ikraan Tahliil.

Ikraan oo qaybta dembiyada internet-ka ugu qaybsanayd Nabad Sugidda NISA isla markaana la sheegayo in ay gurigeeda ka kexeeyeen howlwadeenno ka tirsan isla NISA ayaan il la saarin tan iyo 26-kii Juun, iyadoo ay shalay bili u buuxsantey.

Guddiga haatan la saaray ayaa ka kooban saddex sarkaal oo ka kala socota Xafiiska Xeer Ilaalinta, Booliska iyo Nabad Sugidda NISA waloow ay tan dambe tahay midda lagu dheggan yahay, kuwaasoo baaritaan ku sameyn doonaan halkii ay ku dambeysey Ikraan oo muddo bil ah haatan maqan.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Jenaraal Cabdullaahi Buulle Kamay ayaa u magacaabay Sedax Sarkaal oo ka kala Socdo Xafiiska Xeer ilaalinta, Boliiska & Nabad-Sugidda Baaritaanka Kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la la’ yahay tan iyo 26-kii Juun Sanadkan.

“Xeer Ilaaliyaha ayaa Faray Taliska NISA in ay ula shaqeeyaan Saraakiisha magacaaban Wadda kasta oo lagu Gaari karo Danta Cadaaladda.” ayaa lagu qoray warfaafinta DF.

Arrintan ayaa walaac badan ku abuurtay dadka Soomaaliyeed iyadoo ay tani muujinayso ku takri gal awoodeed iyo ku tumasho xuquuqda madaniga ah iyo isla xisaabtanka, iyadoo ay DF muddo bil ah isku dayaysey inay kiiskaba yaraysato oo ka gaabsato.

Gabadhan ayaa lagu eedaynayaa rag madax ah oo ka tirsan NISA kuwaasoo aan weli wax war ah kasoo saarin eedda loo jeediyey oo ay ka dambeeyaan rag horay uga tirsanaa isla NISA.

Hadalsame Media