Basaska korontada ku shaqeeya ee Turkiga oo magaalooyin waawayn oo Yurub ah kusii ballaaranaya + Sawirro

0

(Ankara) 27 Luulyo 2021 – Gawaarida Turki sameega ah ee Karsan, oo ah shirkad dhista gawaarida casriga ah oo ay ku jiraan basaska korontada ku shaqaysa, ayaa ku guulaystey inay basas u sameeyaan dowladda hoose ee Timisoara ee dalka Romania.

Karsan, ayaa mashruucan kusoo bandhigtay Qaybta Bandhigga Bulshada ee KAP, waxayna sheegtay in laga dalbaday 44 bas oo koronto ku shaqeeya oo ka mid noqon doona Gaadiidka Dadwaynaha, iyo kabkooda muddo 6-sanadood ah oo ay wehliyaan saldhigyo laga dabeeyo oo ay dhisi doonto.

Shirkaddan ayaa dhowaan sidoo kale ku dhawaaqday inay basaska korontada ku shaqeeya ka iibinayso Gaadiidka Dadwaynaha ee magaalada Weilheim, Germany.

Waxay sidoo kale ku ballaaranaysaa Yurub, iyadoo Karsan ay horraanba ka howlgeleysey 30 magaalo oo Yurub ah oo ay ka shaqeeyaan ugu yaraan 200 oo bas oo koronto ku shaqeeya.

Hadalsame Media