”Ma aqbalayno!” – Maraykanka oo Sucuudiga & Imaaraadka u haysta inay iyagu ka dambeeyeen afgembiga ka dhacay dalka Tunisia

0

(Washington, DC) 27 Luulyo 2021 – Senatarka Maraykanka ah ee Chris Murphy ayaa Maamulka Joe Biden ka dalbaday inuu eego in Sucuudiga iyo Imaaraadku ay door ku leeyihiin wax uu ku sheegay “afgembi dastuur” oo ka dhacay Tunisia.

Ninkan ayaa sidoo kale soo qaatay qoraallo uu faafiyey Elham Fakhro, oo ah falanqeeye u dhuun daloola Bariga Dhexe iyo Cilmi Baare, kaasoo sheegay in afgembiga MW Kais Saeid ay aad ula dhacday saxaafadda Sucuudiga iyo Imaaraadku.

Tusaale, Okaz oo ah maalinle Sucuudiyaan ah ayaa bogga hore oo dhan ku daabacay cinwaan u akhrismayey “Tunisia waxay iska dhicisay Ikhwaankii” – iyagoo ula jeeda xisbiga mucaaradka ah ee Ennahda oo ay ku xagliyaan Ikhwaanka.

Wakaaladda Sucuudiga ee SPA, ayaa qortay in Wasiir Dibadeedka Sucuudiga, Faisal bin Farhan, uu telefoon kula hadlay dhiggiisa Tunisia oo uu u ballan qaaday taageero buuxda.

Imaaraadka, warqaadka 20FourMedia, ayaa qoray sheeko uu ku taageerayo tillaabada Madaxwaynaha oo uu cinwaan uga dhigay: “Waa go’aan geesinnimo leh oo lagu badbaadinayo Tunisia”

MW Saeid ayaa Axaddii mar qura ku dhawaaqay inuu cayriyey Raysal Wasaarihii dalka iyo Baarlamankii isagoo isku kooban awooddii fulineed ee dalka, waxaana tillaabadaa diidey axsaabta dalkaasi oo uu ugu horreeyo xisbiga Ennahda, oo ugu badnaa barlamankii la kala diray.

MW hose ee Tunisia, Moncef Marzouki, oo dalkaa xukumayey min 2011 ilaa 2014, ayaa Al Jazeera u sheegay Isniintii in aanu “shaki ka qabin in Imaaraadka oo lagu eedeeyey inuu wiiqayo dimoqraadiyadda Tunisia uu afgembigan ka dambeeyo”.

MARAYKANKA – Xildhibaanka jamhuuriga ah ee Senatar Lindsey Graham ayaa u sheegay Washington Post in Maamulka Biden ay tahay inuu tillaabo deg deg ah qaado isagoo xitaa ku baaqay faragelin ciidan, isagoo sheegay in Tunisia ay tahay ”halkii uu ku dhashay kacaankii Guga Carabtu” oo aysan daawan karin in la dumiyo mirihii kacdoonkaasi.

Hadalsame Media