”Dhowr diyaarad oo gacan 2-aad ihi naga kiin celin maayaan!” – Turkiga oo aan Giriigga ka xishoon + Sawirro

0

(Ankara) 27 Luulyo 2021 – Turkey ayaa Giriigga u sheegay inay saaxiga keenaan oo ay nabad wax ku doonaan halkii ay xoog iyo hujuum aan waxba u taraynin ay isku deyi lahaayeen, sida uu ku dooday Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga, Hulusi Akar.

Mar uu Akar ka hadlayey qorshaha ay Athens dhowaan kusoo iibsatey dayuuradaha Rafale, ee ganac 2-aadka ah wuxuu yiri: “Waxay wadeen tartan dhanka hubka ah. Waxay iibsadeen miigag iyo hub kale, balse dhowr dayuuradood oo gacan 2-aad ihi awood cusub u keeni maayaan.”

Giriigga ayaa 11.5 bilyan oo euro ($14 bilyan) ku casriyaynaya ciidankiisa xoogga 5 sano oo soo aaddan, xilli ay kordhayso xiisadda kala dhexeeysa Turkey oo deris la ah, isla markaana ay NATO ku wada jiraan.

Turkey oo ah dalka leh xeebta ugu dheer Badda Dhexe, ayaa maraakiibta shidaalka sahmisa oo ay weliba gelbinayaan maraakiib dagaal shidaal uga baaraya Badda Dhexe oo uu sheegay in isaga iyo Qubrusta Turkishku ay xaq ku leeyihiin.

Giriigga oo taa ka xumaaday ayaa 18 Rafale oo 12 ka mid ah ay haatan isticmaalaan Ciidanka Cirka Faransiiska iyo 6 cusub oo ay samaynayso Dassault Aviation ka dalbaday Faransiiska oo hiillo u muujinaya.

Dayuuradahan iyo gantaalaha ku xiran ee Meteor ayaa la filayaa inay ku kacaan 2.3 bilyan oo euro ($3.4 bilyan oo doollar).

Hadalsame Media