Sawirka qeexan iyo garaafiigga casriga ah ee lagu baahiyo Horyaalka Somalia oo la amaanay (Dood ka socota Aljeeriya)

0

(Aljeeris) 26 Luulyo 2021 – Weriye ciyaareed oo u dhashay dalka Aljeeriya ayaa dood ka bilaabay dalkiisa isagoo aad ula dhacay wax uu ku sheegay horumar ay sameeysan Somalia, gaar ahaan dhanka farsamada duubitaanka iyo baahinta ciyaaraha dalka marka laga hadlayo tayada sawirka qeexan ee loo yaqaan HD.

”Horyaalka Somalia wuxuu ciyaarihiisa kusii daayaa habka HD oo xitaa Facebook looga heli karo isagoo adeegsanaya garaafiik casri ah, halka Horyaalka Aljeeriya uu wax kusii daayo 360p aan tebin xitaa lahayn iyo qaabkii wax loosoo saari jirey 1990-kii,” ayuu ku bilaabay weriye Waliid Ziani.

Wuu sii hadlay Waliid isagoo soo qaatay in horyaalku uu sidoo kale soo jiito laacibiin iyo macallimiin caalami ah oo ka kala yimid qaaradda Afrika.

”Waxaa kasii yaab badan in macallinka kooxda Mogadishu FC uu yahay Tunisian: Mohamed Mistri Lamjed, waxay kaloo leeyihiin laacibiin shisheeye ah oo ka kala yimid Libya, Nigeria, Ghana, Ivory Coast iyo Guinea.” ayuu raaciyey.

Si kastaba, ciyaaraha Somalia ayaan horumarkii la doonayey ka sameeynin dhanka farsamada, qorshaynta iyo diyaarinta, iyadoo aanu xitaa jirin xul rigli ah oo toos uga qaybgeli kara tartamo caalami ah, halka Xulka Aljeeriya uu yahay horyaalka qaaradda Afrika ee haatan haysta koobka Qaramada Qaaradda.

Hadalsame Media