Dayuuradaha Israel oo dhaafi la’ gantaalo casri ah oo la siiyey Ciidanka Suuriya (Markii 3-aad oo gantaalo laga qabtay)

0

(Dimishq) 26 Luulyo 2021 – Ciidamada Daafaca Cirka Suuriya ayaa markale soo ridey 2 gantaal oo kuwa la hago ah oo ay dayuuradaha Israel ku ganeen afaafka magaalada Dimishq ee Set Zaynab.

Waxay taasi ka dhigan tahay in ay markii 3-aad la xaaleen gantaalaha daandaansiga ah ee Israel, iyadoo kuwan ugu dambeeyey lasoo ganay shalay casar liiqii abbaarigii 5:40am aminta maxalliga ah, iyagoo weliba adeegsanaya hawada Lubnaan oo ay iyadana ku xadgudbayaan.

Waxaa gantaalaha soo ganay 2 dayuuradood oo F-16 iyagoo bartilmaameedsanayey meel gaar ah oo ku taalla Set (Sayyidah) Zaynab oo 10km koonfurta kaga beegan caasimadda Dimishq.

Ciidamada Suuriya ee daafaca cirka ayaa haatan ku qalabaysan gantaalaha Ruush-sameega ah ee Buk-M2E kuwaaso ah kuwa lagu qabtay gantaalaha la hago ee ay Yuhuuddu soo riddey, sida uu sheegay Rear Admiral Vadim Kulit, oo saxaafadda war siiyey.

Hadalsame Media