SAWIRRO: Dayuurado laga celiyey Garoonka Caalamiga ah ee Addis Ababa oo Jabuuti ku noqday + Sababta

0

(Addis Ababa) 25 Luulyo 2021 – Garoonka Dayuuradaha Caalamiga ah ee Addis Ababa ee Bole International Airport ayaa muddo kooban la sheegay in dayuuradaha laga celiyey, iyadoo ay qaarkood ka degeen magaalada Jabuuti.

Arrintan ayaa markii hore sharraxaado kala geddisan laga bixiyey iyadoo Twitter-ka lagu faafiyey shaki ku aaddan dhanka amaanka oo su’aalaha lagu soo daray.

Yeelkeede, waxaa markii dambe la sheegay in sababtu tahay cimilada magaalada oo maanta aad u xumayd, gaar ahaan cayryaamo aad u badan oo aad u xumaysay is araggii xitaa gaadiidka caadiga ah ee marayey jidadka magaalada.

Dhanka hoose waxaad ka arki kartaa sawiro muujinaya jawiga magaalada iyo sidoo kale kuwo aannu kasoo qaadnay webabka dayuuradaha raad raaca oo muujinaya dayuurado muddo ku dul wareegaya garoonka iyo qaar dib ugu noqday Jabuuti.

Hadalsame Media