”Markii la arkay inuu yahay MUQAYIL ma qubayste ah ayaa lagu daray gabar caqli badan oo kasoo jeedda qoys sabool ah!”

0

(Hadalsame) 23 Luulyo 2021 – Duco waalid waa Soo duxdaa..!!

Markii ay ka baxday dugsiga sare oo hankeedu ahaa kulliyadda Caafimaadka ayey labadii dhashay u sheegeen in si wada jir ah ay faataxo iyo duco u wadaan oo wax barashadeeda ay ku bedelato guurka Faarax Lows sabab la xiriirta xagga dhaqaalaha reerka.

Faarax Lows waa nin labadii dhashay ay ku naceen Isticmaala balwadda qaadka…

Dhowr jeer ayaa lagu xiray xarumaha Dhaqan celinta ee loo yaqaan ka tasho waase lagu daalay.

Qaadka Marduuf buu kacunaa..Sigaarkana labo baako… Sida qaalibka ah ma helo fursad qubeys, iyo waqti uu timaha isaga jaro…Ciddiyaha isaga guro, xittaa wuxuu waayey fursad uu ku cadaydo.

Lacagtaas uu ku qayilo waxaa dhiiba labada dhashay oo lafahooda uga cabsada…

In loo guuriyo waxaa Soo jeediyey lix gabdhood oo la dhashay oo kala jooga Yurub iyo Ameerica.

Waa madi aan dantiisa aqoon, Talo waa laga daalay xoogna waa lagu sixi waayey… Fiyoobi laguma tiriyo.. Qolka Faarax lows boorka waxaa u dheer baakidhada Sigaarka, baarixiga qaadkii xalay ka Soo haray iyo caagag shaah ah oo tiro badan.

Qoyska uu ka dhashay gebi ahaantoodba waxeey isku raaceen in la shinsado duudkiisa waxa ku jira oo lagu daro gabar xasilloon oo caqli badan oo ka soo jeeda qoys sabool ah…

La soco berri….

Waxaa Qoray: Abuukar Salaad Diiriye Fareey

Hadalsame Media