´´Maalintii aan bartay sida loo joojiyo werwerka iyo wixii aan arkay!”

0

(Hadalsame) 23 Luulyo 2021 – Waxaan bartay mar dhowr sano laga joogo nin la yiraahdo Harold. Maalin baan kula kulmay magaalada Kansas ee dalka Mareykanka,

Wuxuu igu qaaday baabuurkiisa, ama gaarigiisa intaan soconay ayaan weeydiiyey siduu isaga celiyo walbahaarka? Markaasuu iiga sheekeeyey qiso la yaab leh, waxayna aheyd maalin ka mid ah Gu’gii sannadkii 1943-kii, wuxuuna ku bilaabay sidan;
“anigoo socda jidka ama wadada Donghery ee magaalada Webb City, ayaan arkay anigoo walbahaarsan, muddo 15 ilbiriqsi ah, laakiin waxaan bartay 15-kaa ilbiriqsi in ka badan intii aan bartay 10-kii sano ee aan ku dhex jiray fanka nolosha, labadii sano ee maalintaa ka horreysay waxaan ku lahaa dukaan magaalada Webb, markaas baan ku khasaaray wax allaale wixii aan lacag keydsaday, waliba waxaan galay deyn ay bixinteedii igu qaadatay todobo sano, dukaankiina maalmahaas baan xiray.

Maalintii aan socday jidka ee walbahaarku i hayey waxaan ku socday bangiga si aan uga soo qaato lacag amaah ama dayn ah oo aan ku tago magaalada Kansas si aan shaqo uga helo. Marka anigoo isla hadlaya oo dunida ka quustay maalmuhu igu madowyahiin kuna dhow inaan iimaan beelo, ayaan la kulmay nin labada lugoodba ka go’an oo doonaya inuu jidka gudbo isagoo gurguuranaya, waan ka gudbay, markaasuu ii muusooday isagoo faraxsan, wejigana ii furay waxuuna igu yiri ‘subax wanaagsan walaal’, maanta waa maalin fiican soo maaha?

Markaas baan istaagay, ninkii baan fiiriyey anna waan is fiiriyey, markaasaan is iri; ‘Alla ladaniyaa! Taajirsaniyaa, anigu waxaan leeyahay laba lugood, meeshaan doonaan ku mari karaa, markaas baan isku sheexay ama xishooday inaan sidaa isu dulleeyo anigoo ladan, haddii ninkaasi karay inuu si farax iyo kalsoonaan leh ku noolaado isagoo gurguuranaya, soo waajib iguma ah inaan sacaado ku noolaado anigoo laxaadkeyga qaba?

Waxaan u socday inaan bangiga ka amaahdo 100$, waxaana ku fekerayey inaan ku iraahdo bangiga waxaan u socdaa Kansas si aan isugu dayo inaan shaqo ka helo. Laakiin hadda waxaan ka amaahanayaa Bangiga 200$ waxaanan ku dhahayaa waxaan u socdaa Kansas si aan shaqo u helo, waan helay amaahdii iyo shaqadiiba.
Hadda aroor ama subax walba waxaan fiiriyaa ereyadaas oo aan anigu muraayad geliyey, kuwaas oo ah, ‘waxaan la ooyayaa kabo la’aan ilaa aan la kulmay nin lugo la”.
Waa halkii heestii uu qaadi jirey Xasan Aadan Samatar, ee aheyd ma ogtahay curyaankaba cago loo ma waayine caynkaa wax loo yiri kuwa cararayee ladan inay ku cibro qataan….

Buuga: How to Stop Worrying and Start Living

Qore: Dale Carnegie

Waxaa Diyaariyey: Cabdullaahi Colombo

Hadalsame Media